Uncategorized

Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1434 H

Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1434
iftineducation.com – Caawa ayaa la filayaa in uu curto Sanadka cusub ee
Hijriyadda Islaamka 1434, waana bisha Muxaram oo ah bisha la bixiyo
Zakada, iyadoo taasi jirto ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsaneyn
dhalashada sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib
markii ay qabatimeen sanadka Miilaadiga oo isagu haatan maraya 15/11/ 2012, bil iyo 15 maalmood kadibna la geli doono 2013. 
Dalalka aan haysan Diinta Islaamka si weyn ayay u
qiimeeyaan sanadkooda marka uu dhalanayo waxayna sameeyaan Fantansiyo
iyo Dabaaldegyo, hase yeeshee dadka Islaamka ayaa iyagu qaarkood aan ka
war qabin dhalashada sanadka islaamka, qaarkood haddii aad weydiiso
dhalashada sanadka cusub, waxa uu la soo boodayaa ma kii Nataalaha ama
Miilaadiga, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay isku hambalyeeyaan  Sanadka
Milaadiga.
 
Sanado ka hor dadka Soomaaliyeed waxay hambalyo iyo
fantasiyo u sameyn jireen sanadka Miilaadiga, hase yeeshee markii ay
bilowdeen ururada Diiniga ah ayaa Fantasiyahaasi istaageen qaarkood
waxay ku macneeyeen in ay ugu wacan tahay arrimo dhinaca nabadgelyada,
iyadoo dhallinyarada qaarkood sheegeen in ay xusi lahaayeen sanadka
Miilaadiga ee Gaaladda, haddii ay heysan lahaayeen Ammaan.
 
Warbaahinta oo laga rabay in ay Bulshada ku hagto
wadada saxda ah ayaa iyaduna ku baraarugsaneyn dhalashada sanadka cusub
ee Hijriyadda, waxaana taas ugu wacan iyadoo markay barnaamijiyada ama
wararka sheegayaan isticmaala sanadka Miilaadiga ah, waxayna dadka
qaarkii sheegeen in sababta koowaad leedahay warbaahinta oo la rabay in
ay bulshada Soomaaliyeed ku hagaan sanadkooda Hijriyadda. 
Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga
la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan
Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku
dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha,
Munaasabadaha iyo dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah, kana
hirgeliyaan ama lagu baro carruurta Islaamka Iskuulaadka iyo waliba
dugsiyadda Qur’aanka, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay
wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee
Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda
keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna
sameysaa Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.
Sannadka Islaamka waa laba iyo Toban Bilood waxay kala yihiin.
1-Muxaram
2-Safar
3-Rabiicul Awal
4-Rabiicul Thanii
5-Jamadul Awal
6-Jamaadul Thannii
7- Rajab
8-Shacbaan
9-Ramadaan
10-Shawaal
11-Dul-Qacdi
12-Dul-Xaj
Bisha Muxaram oo Caawa Bilaneysa waxaa ku jira Khayr
fara badan wuxuuna Nabiga NNKH sheegay in Bishaan ay ku jirto
Yoomu-Cashuuraa  oo ah  in la Soomo 9-ka iyo 10-ka Waxaana loo dhaafayaa
qofkii Sooma labadaas Maalmood Dambigii Sannadkii hore , waxay bishaan
ka mid tahay 4-ta Bilood  Xurmada leh oo ah in aan la dagaalamin laakiin
Islaamka haddii la soo weero waa dagaalamayaa , waxaa kaloo ka mid ah
Bilaha Xurmadda Saddex waa isku xigaan waxayna kala yihiin Dul-Qacdi ,
Dul-Xaj iyo  Muxaram bisha kale waa Rajab.
Qofkasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa in uu la
socdo Bilaha Islaam uuna yiraahdo maxaa Khayr ah ayaa ku jira bishaan
si aysan dhaafin Khayrka.

 
Isku soo wada duuboo Bahweynta IFTINEDUCATION waxay hambalyo balaaran oo ku aadan
Munaasabadda dhalashada Sanadka cusub ee Islaamka 1/1/1434 u dirayaan
dhamaan Bulshada Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan, waxayna Alle uga baryayaan in sanadkaan sanadkiisa kale
bashabash iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.  

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

W/Q Aden Abdi Adow.
EMAIL: aadan21@hotmail.com





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com