Uncategorized

Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa bariga iyo bartamaha Afrika oo maanta ku dhintay gudaha dalka Soomaaliya.

iftineducation.com – Xiireey Qaasim oo ahaa ganacsade xilli dheer ku soo jiray Baayac mushtarka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku geeriyooday guri uu kulahaa koofurta magaalada Muqdisho.

Xiireey Qaasim oo ahaa adeerka Xildhibaan Maryan cariif Qaasim ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatadii Soomaaliyeed ee xilligii beri samaadkii iyada oo lagu xasuusto Warshadii Beyl ee sameyn jirtay oomada taas oo noqotay warshadii ugu horeysay ee Ooma gudaha Dalka Soomaaliya ku sameyso.


Allaha unaxariistee marxuumka oo ahaa Bilyineer waxaa lasheegay in uu waayihii danbe xanuunsanayay inkasta oo aanan wali helin xanuunka sida rasmiga ah waayahan u hayay.


Xiirey Qaasim ayaa waxa uu kugeeriyooday sanadaha sideetameeyada, waxaana lagu aasayaa gudaha magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com