Uncategorized

Gabar Eey wadatay oo Fanaaniin ka qaaday 100.000 oo Euro iyo Gaari la siin lahaa & inantaan oo dadka ka yaabsatay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Barnaamish uu qabtay Tv Caalami ah ayaa waxaa Aduun dhan 100.000 oo Euro
farta laga saaray Gabar lagu magacaabo Alexsandra Plank oo abaal
marintaan kaga guuleeysatay Fanaaniin iyo kooxo kale oo mucjisooyin kala
duwan soo ban dhigay .

Halkaan ka Daawo Live Gabar Eey Fanaaniin Lacag fara badan kaga qaadatay


Inantaan lagu magacaabo Alexsandra Plank oo 24 jir eheed waxa ay
xafladii Showga la soo shir tagtay Eey taas oo si cajiib ah ula dheeshay
Eeygii waxaana mar qura sacab is qabsaday Tartankii Xaflada oo isku
badalay mid la iskugu faanay Mucjisooyin balse Heeso wax la iskaga qaadi
waayay.

Tartankaan oo ka dhacay magaalada Vienna ee caasimada
dalka Austria ayaa waxaa Heeso ka qaaday goobta Fanaaniin kor u dhaafay
10-qofood balse ugu dambeeyntii ayaa waxaa iskugu soo haray 3-guruub
waxaana Lacagtii iyo Furaha Gaari qaali ah goobta lagu gudoon siiyay
Alexsandra Plank iyo Eeygii ay wadatay.

Barnaamishka Tartankaan
oo uu qabtay Tv-ga ORF ayaa dad badan waxa ay la yaabeen markii
Fanaaniin u soo labisatay Lacagtaan faraha badan ay si Live ah hortooda
ugu qaadatay Gabar la soo shir tagtay Eey ay si cajiib ah u soo
tababartay.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com