Uncategorized

Fanaanadda Soomaaliyed ee caanka ah Saynab laba dhagax oo mar kale Muqdisho soo gaartay (DAAWO SAWIRO)

iftineducation.com – Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar Laba Dhagax oo manta muqdisho soo gaartay kadib markii ay ka soo kicitintay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya iyo kamballa oo ay malmihii ugu dambeeyay ku sugneeyd.

Fananadda oo haatan madax ka ah ururka lagu magacaabo Ururka wacyegelinta dhalinyaradda iyo dib u soo nooleynta fanka Soomaliyeed ayaa waxaa garoonka diyaradaha caalamiga ah ee Muqdisho si diiran ugu soo dhaweweyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaliyeed.

Fananadda oo wareysi kooban siisay saxaafadda ayaa sheegtay inay u timid Muqdisho sidii ay u wacyegelin lahayd dhalinyaradda Soomaaliyeed ee maskaxda laga marin habaabiyay iyo sidii ay dib ugu soo nooleyn lahayd fankii Soomaliyed ee 22-kii sanno ee la so dhaafay ku burburay si uu mar kale cagihiisa iskugu taago fanka Soomaaliyeed.

Fanaanadda ayaa sheegtay in inta ay joogto magaaladda Muqdisho ay sameeyn doonto barnaamijyo wacyegelin ah oo ay u soo bandhigeyso bulshadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono taageeradda dawladda federaalka Soomaaliya iyo sidii bulshadda Soomaliyeed loogu abuuri lahaa waddo nabadeed iyo wadaniyad dhab ah.

Fananadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar laba dhagax ayaa intii ay ku sugneeyd magaaladda niayrobi iyo magaaladda kamballa waxay sheegtay inay halkaasi ka dhaigtay barnaamijyo wacyegelin ah oo lagu gubaabinaayo bulshadda Soomnaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi.

Saynab laba dhagax

Saynab laba dhagax

Saynab labadhagax

Saynab laba dhagax






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com