Uncategorized

Faa’idooyinka Guurka “6- Qodob oo gaar ah” ” Liibaanta Qoyska ”

iftineducation.com – Ma ahan wax si sahlan loo tilmaami karo ama loo wada sheegi karo
Faa’idooyinka guurka oo dhan, laakiin aan kusoo koobno dhowr qodob oo
qof kasta umuuqda ama uu maskaxda ku hayo.
1– Guurka waa midka suura geliya in ay umaddu taranto, oo hadii uusan jiri lahayn masuura galeen faraca dadyagowga kala duwan.
“Ilaahay Markuu dunida godey, ee giraangiriyay sow aadan oon gacal
lahayn, gagi masoo taagin sow xaawo feedha godan, ugam soo gownin”..
2– Dadka muslimiinta ah waa sunne laga rabo in ay la yimaadaan
guurka, Nabigeenu N.N.K.H waxaa yiri ” “Qofkii naca Sunnadeyda kamid ma
ahan Umaddeyda”. Culimada qaarkeed way qaybiyeen waxeyna sheegeen qeyb
waajib ah.

3– Waxuu Guurku ilaaliyaa nasabka oo hadii guur uusan jiri leheyn aadmigu sida xoolaha oo kale ayuu isugu darman lahaa.

4– Guurka waxaa uu qofka ka hor istaagaa danbiyo waa weyn oo ay kamid
yihiin Dhilaysi “Zino” taas oo ilaahey naga xarimay, bedelkeedana waxaa
Allah uu inoo ogolaaday inaan guursano Guur Xalaal ah, halkaasna aan
baahideena ku gudano.
5– Guurku waxuu dajiyaa qofka waxuuna ka dhigaa ruux masuul ah, marka
uu guursado waxii ka danbeeya waxuu isku arkaa qof aysan fududeyn
khalalaadka ka dhaca, isaga oo mar walba maskaxda ku haya waxa ka imaan
doona waxyaabaha uu doonayo in uu sameeyo, dadka qaar ayay maalmahan
utahay “ama guur ama geeri”
6– Guurka waa ka hortaga xanuuno badan sida xanuunka ama cudurka ka
yimaada gogol dhaaf-ka, xanuunka ka dhasha guur la’aanta iyo kuwa kale
oo badan.
7– guurka waa isku xiraha bulshada oo qofka markuu guursado waxuu
majtamaca ku dhexyeeelanaa dad badan oo aan markii hore xarri kala
dhaxeyn, sida Sodog, Soddohda, Dumaashi, Seeddi, Dangalo, Oryo Walaalo
iyo Waxyabo lamid ah.
Halkaas ha inoo joogto Qeybta Qeybtan, waxaana ku xigi doona SABABAHA YAREEYA GUURKA





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com