Uncategorized

Exculisive :-Abuu-Zubeyr Oo Kulan Kula Qaatay Yeman Hogaamiyaal

abu zubeyr
iftineducation.com – Sida dhawaan iftineducation u xaqijiyen ilo ku dhaw dhaw Hogaamiyaha Al-Shabaab AbuuZubeyr oo shegayey inuu gaaray dalka Yeman ayaa hadana warar hoose waxa ay ku waramayaan in 3-ka mid ah Hogaamiyasha Al-Shabaab ay ku biireen Saaxiibkood.

Hogaamiyaasha gaaray Yeman waxa ay kala yihiin , Muqtaar Roobow Abuu Mansuur,Fa’ud Maxamed Khalaf Shangolle, Ibraahin Miicaad Afgan .

Hogaamiyashan ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin Magaaladda Masqad ee ka tirsan Gobbolka Abyan ee Koonfurta Yeman halkaa oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Qa’eda.

Ilo ku dhaw Fa’ud Khalaf oo ka mid ah Hogaamiyaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in halkaasi uu ka bilawday Madaxda Ururka Al-Qa’eda ee Khaliijka Carabta iyo Hogaamiyaasha Shabaab ee gaaray halkaasi.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii markale Shabaab ay u qabansan lahaayeen Magaalooyinkii laga saaray Dhawaan.

Dhawaan Hogaamiyaha Guud Ururka Al-Qa’eda Dr Ayman Al-Dhawahari uu ugu baaqay Al-Shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Dowladda iyo AMISOM.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com