Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka gudbineyso fara galinta Kenya ee arrimaha Jubbaland

iftineducation.com – Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalkeedii xagga siyaasadda ee Arrimaha Jubbooyinka ay kaga soo horjeedo ayaa hadda dhanka dublamaasiyadda, iyadoo ugu yaraan labbo danojiro oo xilal muhiim ah haya ay kusoo biireen muranka Jubbaland.

Dowladda ayaa arrintani dooneysa in ay geeyso masrax caalami ah, iyadoo dacwad ka gudbisey dowladda Kenya, waxayna ku eedeyneysaa in ay farogalin ku heeyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Cumar Jamaal oo ah danojiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa kusoo biirey muranka, isagoo Kenya ku eedeeyey in ay qasayso arrimaha Soomaaliya.

Horey waxaa dagaalkani ugu jirey Cali Amerika oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, kaasi oo sidoo kale dowladda u magacoowdey in uu ka mid noqdo guddi ka mid noqonaya korjoogayaasha Igad ee arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale dowladda ay isticmaali doonto safiirka u fadhiya midoowga Yurub.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com