Uncategorized

Dowlada Kenya oo ku hadashay Hadal qaranimada Somalia wax u dhimaya muujinaya in Kismaayo Gacan gumeesi gashay

iftineducation.com – Dowlada Kenya ayaa u muuqaneysa mid Magaalada Kismaayo iyadu ka taliso gacanteedana ku jira ayna iyada kataliso dooneysana in Magaaladaasi iyo Gobolada Jubooyinka ay kamid ahaadaan dalkeeda ayna Hogaanka Goboladaasi u dhiibaan dad Maqaar saar ah oo Magaca Soomaali ka ah Hogaanka iyo Maamulkana Gobolada ee Kenya iyadu gacanta ku heyso sidii ay doontana ka yeelato.


Dhawaan Magaalada Kismaayo waxaa loo diiday in ay galaan Wafdi kasocday Dowlada Soomaaliya oo doonayay in ay Magaaladaasi kormeer iyo shaqo ku tagaan hasa ahaatee Saraakiil Kenyan ah ayaa garoonka ka celiyay una diiday in ay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo kuna amray in Muqdisho dib ugu laabtaan.


Markii warkaasi soo baxay ayaa shaki buuxa waxaa galay Kismaayo iyo cida gacanta ku heysa iyadoona Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga ee kujoogaan Magaca AMISOM balse aan shaqo ku laheyn Ciidamada AMISOM iyo habdhaqankii looga bartay Kismaayana ay u joogaan Magaalo ay qabsadeen oo kale ee doonayaana in ay la wareegaan aayaheeda dambe.


Xili Dowlada Soomaaliya aysan si rasmi ah uga hadlin warna kasoo saarin Falkii Foosha xumaa ee Wafuudii Dowlada ,AMISOM iyo qaramada midoobay katirsanaa looga soo celiyay Kismaayo ayaa hada waxaa arintaasi ka hadlay Wasiir katirsan Dowlada Kenya oo u qiil sameeyay in ay haboontahay in Ciidamada Kenya ay Kismaayo Wafuudaasi ka celiyaan.


Wasiirka dalxiiska Kenya Danxo mwansa ayaa isaga oo la hadlayay laanta Afka Somaaliga ee BBCda wuxuu cudur daar u raadiyay sababta keentay in Wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya laga soo celiyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi.


Wasiirka ayaa ku andocooday in aan lagu soo wargelin ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo inay soo socdaan wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana ay doonayay inay soo eegaan xaalada Magaalada Kismaayo.


Wasiir ayaa sidoo kale tusalae usoo qaatay Markii Madax katirsan Kenya ay aadayaan Dalka Ingiriiska in aysan iska aadeyn balse ay wargaliyaan si loogu diyaar garoobo loona soo dhaweeyo Kismaayana saas oo kale looga baahanyahay Madaxda Dowlada in ay soo wargaliyaan Saraakiisha Kenya.


Hadalkaasi ayaa mujiinaya in Magaalada Kismaayo gacan Gumeysi gashay ayna Dowlada Soomaaliya aayaha Jubooyinka wax talo ah aysan ku laheyn hadii ay damcaana aadisteena Muhiim tahay in Nairobi laga soo amro fasax kasoo qaataan ugu dambeyna laga cabsi qabo in Magaaladaasi Kibandho la isweediiyo hadii aysan Dowlada qaadin tilaabo wax ku ool ah oo Muuqata.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com