Uncategorized

Danbiile Leron Howard oo lagu riday Xukun Xabsi Daa’in ah kadib markii ay ku cadaatay in uu Dilay Muwaadin Soomaaliyeed

iftineducation.com – Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo Xabsi daa’in ah ku riday Muwaadin u dhashay Dalkaasi kadib markii lagu helay in si bareer ah uu u dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Maxkamada ayaa sheegtay in Ninka Dambiilaha ee Dilka geestay oo lagu Magacaabo Leron Howard uu qirtay dambiga uu galay taa oo ugu Dambeyntii Maxkamada ay go’aansatay in Xukun Xabsi Daa’in ah ku rido Ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah..

Ninkan la xukmay ayaa Dilay Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Cali Axmed oo da’diisa lagu sheegay 18-Sano waxaa sidoo kale la sheegay Wiilkaasi xiligii la dilayay oo aheed Bishii April ee Sanadkii hore in uu ku cusbaa Dalka Mareykanka.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa xusay in sidoo kale maxkamadu wado dhageysiga dacwado loo haysato shaqsiyaad kale oo la aaminsan yahay inay kiiskaan ku lug leeyihiin.

Dalal badan oo Mareykanka Yurub iyo Afrikaba kuyaala ayaa inta badan waxaa ka dhaca Dilal loo geesto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalalkaasi ugu cararay qaab qaxooti ahaan kadib markii ay ka baxsadeen Dagaaladii dalka kasocday Muddadii 20-ka sano aheed.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com