Uncategorized

Dal badalay dagaaladii Somalia iyo Telefishinada Caalamka oo ku mashquulay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

iftineducation.com – Mudo aad u dheer Telefishinada iyo warbaahinta Caalamka waxa ay ku
mashquulsanaan jireen shacabka Soomaaliyeed oo sanooyin fara badan is
dilayay waliba soo maray marxalad aad u xun oo ugu dambeeyntii gaartay
dad nool in ay is qarxiyaan .

Halkaan ka Daawo Xabada ka socota Kongo & Warbaahinta Caalamka oo Somalia ka nasatay

Qaar ka tirsan dalalka Caalamka waxaa dalka Somalia looga arkaa Wadan
dadkiisu aanu Nabada jacleeyn balse iminka u weecday dhanka Nolasha
wanaagsan iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sii yaraanaya
Madaafiicdii iyo Qaraxyadii ay buun buunin jireen Telefishinada Caalamka
kuwaas oo ka macaashi jiray ka sheekeeynta foowdada manaxayaasha Xabada
la soo taagan .

Telefishinada Caalamka ayaa maalmahaan dambe
saaid ugu Mashquulsan Xabada ka socota dalka Kongo gaar ahaan magaalada
Goma oo dhawaan ay la wareegeen Maleeshiyaadka la magac baxay the March
23 Movement (M23).

Maleeshiyo-kooxeedkaan hubeeysan waxaa si
hoose u soo hubeeysay Dawlada Ruwanda waxaana arinkaas xaqiijiyay
Madaxweeynaha dalka Kongo Mr.Joseph Kabila oo iminka u safray dalka
Uganda si uu uga dhaadhiciyo qorshaha cusub ee dalka Ruwanda.

Dhanka
kale Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugal dalka Kongo ayaa diiday in
ay ka qeeyb qaataan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dawlada Kongo iyo
Maleeshiyaadka Mucaaradka ee the March 23 Movement group (M23).






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com