Uncategorized

Daawo Dhacdo naxdin iyo argagax leh Kadib Markii Waalidiin Gabadhooda si xun u jir dilay kadibna ku gubay aasid ama aashito

iftineducation.com – Dhacdo naxdin iyo argagax leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday
magaalada Kashmir ee dalkaas Pakistan ka dib markii ay waalidiin ay
gabadhooda ay si xun u jir dileen oo ayna ku gubeen aasid ama aashito
iyagoo ka careysan wiil ay fiirisay gabadhaas arintaas oo yaab ku
noqotey dhamaan dadka aduunka.


Aabaha iyo hooyada dhalay gabar yar oo 15 sano jir ah ayaa waxaa la
sheegay inay gabdhooda ay marka hore si xun u garaaceen ka dibna ay ku
shubeen aasid ama aashito taas oo keentay inay gabadhaasi uu dhamaan
korkeedu uu gubto, aabaha dhalay gabadhaan oo asagu uu bilaabay
garaacista gabadhiisa ayaa waxaa uu sheegay inuu uga digay gabadhiisa
inay fiiriso wiilkaas taasina ay gabadhaasi ka dhega adeygtay arintaasna
uu ka carooday ayna keentay inuu caradaas awgeed uu u garaacay, ka
dibna hooyada dhashay gabadhaas oo iyadana arintaas ka careysan ayaa
odeygii ku caawisay dilitaanka gabadhooda iyadoona ay walibana hooyadu
ay ka sii dartey arinta ka dib markii ay gabadhaas ay ku shubtey aashito
korkeeda taasna ay keentay inay gebi ahaanba ay gubato gabadhaas ka
dibna ay u dhimato dhaawacii ka soo gaarey jirdilkaas loo geystey
gabadhaas.

Ugu dambeyntiina
iyadoo waalidiintaas ay booliisku ay qabteen oo ayana xabsiga dhigeen
ayaa waxaa la sheegay inay waalidiintu ay ka qabeen cabsi weyn inay
gabadhoodu ay u keento sharaf iyo magac xumo bulshada ay ku dhex nool
yihiin, iyadoona gabar ka weyneyd gabadhaan ay horey ugu geysatey
waalidiintaas magac xumo ayna sidoo kale baqeen inay gabadhaana ay
sidaas oo kale u soo jiido magac xumo kale, Laakiin waalidiintaas ayaa
falka ay ku kaceen oo ay ku waayeen gabadhooda waxay kale oo ay dayaceen
caruur kale oo badan oo ay dhaleen iyadoona ay caruurtaas yar yar ee ay
dhaleen ay yihiin kuwo aan heysan daryeel waalid maadaama labadii
waalid ee dhalay ay labaduba ay xabsiga ku jiraan.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com