Uncategorized

Carwooyinka waa weyn ee laga furayo Magaalada Muqdisho oo sii kordhaya (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Tan iyo markii dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya
amaankeedu uu soo hagaagay, waxaa bilaawday dhaq dhaqaaq ganacsi oo si
dar dar leh ku kobcaya.

Ganacsigaas oo inta badan ay wadaan qurba joog iyo hantiilayaal kale oo
lacagtooda kala baqayay nabad gelya darada ayaa meelaha ugu badan ee
xilligaan uu kajiro waxaa kamid ah wadada Makka Almukarrama oo si aad ah
howla muhiim ah ay uga socdaan.

Inta badan guryaha kusoo jeeda wadada Makka Almkarama ee magaalada
Muqdisho waxa ay isugu jiraan kuwa ladhisay, kuwa hada ladhisayo iyo
kuwa laqaban qabinayo in ladhsio, waxaana guryaha laga dhisay ay u
badanyihiin Hoteello iyo carwooyin.

Carwooyinkaas ayaa waxaa lagu iibiyaa wax kasta oo nolosha aadabaha
aasaasi u ah, waxaana si aad ah usoo dhaweeyay in lafuro carwooyinkaas
shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho oo sheegay in ay tahay wax aad
loogu farxo dalka oo dib u soo kabanaya.

Wadada Makka Almukarama ayaa xilligaan waxa ay ku dhawdahay in laga
waayo guri ku haboon ganacsi oo lakireesto maadama ganacsatada dhan ay
isha kuheyso oo ay doonayaan in ay kahelaan irda ay ku ganacsadaan.

Kirada ugu yar ee xilligaan lagu kireesto irdaha ganacsiga ee wadada
Makka Almukarama ayaa waxa uu yahay $300 iyo marka ay ugu yartahay
lacagta oo hal sano lahormarinayo.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com