Uncategorized

Abaayo Sawirkaaga ayaa La igu Dhacay Facebook Hadaan Arki Lahaa Qofkaas Waan Dili Lahaa – Sheeko Qosol Badan .

abaayo sawirkaaga leygu dhacay
iftineducation.com – Dhacdooyinka Layaabka leh waa kuwa maalin kasta kusoo kordhaya Xasuus qoraha dhacdooyinka , Waxaa Dhacdo layaab leh ka dhex dhacday Aalada Facebook-ga oo inta badan Soomaalidu isticmaasho.

Cumar Xasan waa wiil Soomaaliyeed isticmaalana Facebook-ga waxaa ku dhacday dhacdo qosol badan taasuu soo gaarsiiyey Shabakada Iftineducation.com Sidaan ayeey u dhacaysaa.

Habeen habeenada kamid ah ayaa si sahal ah waxaa iigu soo darsatay Saaxiibtinimada – Facebook Friend Request, Gabadh aad uqurux badan waa sawirka waqtigaasi usaarnaa, Run ahaantii wax aan ku tilmaamo magaran karo , Balse waxaan xariir wadaagnaba runtii damac aad u sareeya ayaa iga galay.

Waxaan codsaday inaan helo xariirkeeda haba ugu horeeyo Taleefankeeda , waqti walba waan is wici jirnay iyadoo iisoo baaqi jirtay ana si dag dag ah ayaan uwacayay.

Gabadhu waxay ku nooleed Qaarada Yurub waqtigaas oon anigu ku sugnaa Dalka Musambiik oo Daris la’ah South Africa , gabadha waan is dhex galnay habeen walba anigoon codkeeda maqlin ma jiifan jirin waxaan iska dareemay Jaceyl.

Ugu danbeyn Gabadhu waxeey habeen dhaaf iigu soo diri jirtay Sawir aad u qurux badan oo kasita kii ay habeen dhaweed soo galisay Facebook-geeda.

Mar walba waxay ku andacoon jirtay ineeysan heysanin Kaamirada la iska arko ee Computerka, Balse ay igu qancisay ineey mar walbo sawir iisoo direyso , waxaan wada soconaba waxay iisheegtay ineey jeceshahay ineey imaado Dalka aan joogo si aan uwada aqal galno, Waxeey ibartay Qof ay iigu sheegtay Hooyadeed oo ay wada noolyihiin aniga waxaa i galay Kalsooni xad dhaaf ah waxaan aaminay ineey gabadhaan daacad ka yihiin wax walbo oo ay iisheegto.

Ugu danbeeyn cabadho dhanka dhaqaalaha ah ayeey iisoo ban dhigtay iyadoo i dhahaysa Passport-kii aan kuugu imaan lahaa iga xayiran lacag 1,000 dollar ah ( Kun Dollar) codsatayna inaan usoo diro.

Anigoo ku fududaaday inaan udiro Lacagtaas ayaan waliba uraacshay lacago dheeri ah si ay ii xasuusato mar walba kuna iibsato waxyaabaha ka dhimnaada.

Balse sheekadu sidaan moodayay ma’ahan waxaan si lama filaan ah uwaayay Gabadhii.

Taleefanka waa ay iska badashay Cinwaankana waan ka waayay.

Tixraac badan ayaan ku sameeyey waxaan arkay Sawir kamid ah sawiradii ay soo galin jirtay oo la dhahayo Heblaayo ahaa meeshaana maxaa keenay Sawiradeeda Kaasoo Magaceeda Click lagu siin karo oo Profile keeda toos loosii tagaayo.

Magacii hadaan sii raadraacaba waxaa ku jira Sawiro Update ah kuwaasoo Daqiiqad daqiiqad loosoo dhigayo Wall-ka gabadhii dag dag ayaan ugu darsaday oo Nasiib wanaag way isoo aqbashay.

Waxaan war uga bilaabay Heblaayo waa lagu waayaye xageed ka baxday , Waxay i dhahday xagee igu baratay hada ayaadba igu soo darsate ma qof i garanayaa?, Filan waa ayeey igu noqotay waxaan gabadha wada hadalnaba maalintii sedexaad ayaan taleefankeeda ka qaaday anigoo waxa jira usheegay.

Waxay gabadhii igu qancisay Kaamiradeeda oo waaba isku mid Sawirada ay gabadhii hore soo galin jirtay iyo wajiga gabadhaan cusub.

Taas waxaa kaaga daran maahan isku cod mana joogaan isku dal , Waxaana ii cadaatay in la igu dhacay Sawirka Gabadhaan oo been la igu shukaansaday.

Waxaan uga Digayaa Asxaabta Cusub ee Falalka nuucaan oo kala ah kusii jeeda ineey ka feejignaadaan waana Dhac farsameysan hana la iska ilaalsho.


HALKAAN HOOSE AKHRISTE WAXAA KAAGA BANAAN MEESHA AAD FIKIRKAAGA KUSOO BAN DHIGI LAHEED, MAKUGU DHACDAY DHACDADAAN OO KALE MASE TAQAAN QOF AY QABSATAY HADABA SOO BAN DHIG QISA NUUCAAN OO KALE AH HADII AY KUGU DHACDAY WAA MUHIIM FIKIRKAAGA

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com