Uncategorized

Xulka Soomaaliya oo Laga Saaray Cayaaraha Afrika

iftineducation.com – Xiriirka
ciyaaraha kubbada cagta ee Afrika CAF ayaa xulka Soomaalida ee ee
da’doou ka yar tahay 17 ka reebay tartanka Afrika kana qaaday dhibcihii
kaddib markii ay caddeyn waayeen da’dooda.
Xulka Kubbadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 ayaa laga
reebay tartanka ciyaaraha xulalka qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kalena
laga qaaday saddex dhibcood oo ay ka heleen ciyaar ay ka baddiyeen xulka
dalka Sudan.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xiriirka ciyaaraha Africa ee marka la
soo gaabiyo loo yaqaano CAF uu sheegay in xiriirka kubbada cagta
Soomaaliya uu ku guul-dareystay fulinta shuruuddo dhigaya in ciyaartoyda
Soomaalida la mariyo  baadhitaan raajo ah ee qalabka MRI si loo ogaado 
da’da ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka yar 17-ka

Xiriirka CAF wuxuu sheegay in xulka Soomaaliya laga reebay tartanka,
isla markaana xulka Sudan oo Soomaaliya ay horey uga baddisay loo
ogolaaday in ay qaataan dhibcihii ciyaartaasi dib ugu noqdaan ciyaaraha
iyagoo u gudbaya wareega labaad lana ciyaari doona dalka Algeria ciyaar
dhici doonta bishan October.

Cabdiqanid Siciid Carab, XGXSKC, ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta
Soomaaliya aawadeed ay awoodi waayeen inay baadhitaankaasi raajada
saaraan ciyaartoyda Soomaalida, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka
Soomaalidu uu awood u heli waayay in raajadaasi ay ciyaartooyda
Soomaalida ka soo saaraan dalalka deriska.
 






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com