Uncategorized

Xiddig ku Qiray magaca Alle Horyaalka Ingiriiska oo si LIVE ah u socda iyo Laacibkaan oo dhaliyay Gool Cajiib ah (Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Xiddiga reer Morooko ee Lambarka 10-aad u qaata kooxda Queens Park
Rangers oo ka ciyaarta horyaalka dalka Ingiriiska Adel Taarabt ayaa dad
badan ka yaabsaday ka dib markii uu la soo baxay Funaanad ay ku qorneed
“Waan jeclahay Alle” (I LOVE ALLAH). 


Ciyaaryahan Adel Taarabt oo 23 jir ah wuxuu Gool cajiib ah ka dhaliyay
kooxda West Ham wuxuuna durbadiiba la soo baxay Funaanada hoose kaas oo
ku soo qortay Ilaaheey waan jeclahay.


Ma ahan markii ugu
horeeysay ee horyaalka Ingiriiska ay ka dhacdo qiimeeynta Diinta
Islaamka balse dhoor bilood ka hor waxaa maalintii Ciida Funaanad la soo
baxay Xiddiga Qaranka Faransiiska iyo kooxda Manchester City Samir
Nasri oo Funaanada ku soo qortay Eid Mubaarak (Ciid Wanaagsan).



Xiddigaha Caalamka gaar ahaan kuwa Muslimka ah ayaa qaarkood la soo baxa
muuqaalo lagu weeyneeynayo Diinta Islaamka balse waxaa jiro qaar kale
oo la cabsada Diintooda maadaama la joogo ama laga Ciyaarayo horyaalo
reer Yurub ah oo laga qiimeeyo diinta Masiixiga .

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com