Uncategorized

Xagee u cararay Abuu-Mansuur AlAmriiki oo ka tirsanaa Saraakiishii sar-sare ee Ururka Alshabaab?

Amriki
iftineducation.com – Xagee u cararay Abuu-Mansuur AlAmriiki oo ka tirsanaa Saraakiishii sar-sare ee Ururka Alshabaab?

Sida uu qoray wargeyska Washington Post cadadkiisii saaka soo baxay,
isagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka
Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ah dagaalyahanada ajaaniibta ah ee ka
tirsan Al-shabaab ayaa ka baxay Somalia dhowaan.


Saraakiishan ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa intaa ku daray
in lagu magacaabo Saciid Cumar oo jooga magaalada Marka uu u xaqiijiyey
in Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo dagaalyahano kale oo ajnabi ah ay dooni
ka raaceen xeebaha magaalada Marka, uuna isagu arkayey markii ay
baxayeen.


Waxay intaa ku dareen saraakiisha Maraykanka iney sidoo kale
heleen warar lagu kalsoon yahay oo arintaas xaqiijinaya, iyagoo xusay in
safarka Abuu Mansuur Al-Amriiki uu kaga ambabaxay magaalada Marka ee
gobolka Sh/hoose uu dhacay maalmo ka hor inta magaaladaas aysan la
wareegin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia, hase ahaatee ma
aysan sheegin halka uu aaday Amriiki ama ay maleynayaan inuu u baxsaday.


Abuu Mansuur Al-Amriiki oo sidoo kale loo yaqaano Cumar Xamaami
ayaa ka mid ahaa saraakiisha ajaaniibta ah ee dhinaca tababarada u
qaabilsan Al-shabaab, waxaana beenoobay warar soo baxay bishii July ee
sanadkan oo sheegayey in xoogaga Al-shabaab ay bireeyeen Abuu Mansuur
Al-Amriiki ka dib markii uu Internetka ku faafiyey fariin maqal iyo
muuqaal ah oo uu ku shaaciyey in naftiisa ay qatar ku jirto, lagana
yaabo iney dilaan rag ka tirsan Al-shabaab oo ay kala feker duwan
yihiin.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com