Uncategorized

Xaaska Madaxweyne Obama oo lagu dilay qaabka Labiska + (Sawirro).

 
iftineducation.com – Dood xiisa badnaynd oo iskaga
horyimadeen labada Xaas ee Madaxwayne Obaama iyo Musharax ku haysta
Xilka Madaxwaynaha Maraykanka Mitt Romney, taasoo bar bar socotay
qiimayn lugu eegayo  libiska labadaa Haween ayaa ka dhacday Dalka
Marykanka .


Doodaa oo ahayd mid kulul oo
labadooda ku soo bandhigayeen waxyaabaha bulshada  u qaban doonaan
dadkana su,aalo waydiinayeen ayaa waxa bar bar socday  u codayn lugu
kala saraayo labadaa haween oo tartan xoogaan ugu jira Olalaha la
doonayo in midba midka kale meesha ka saarto .

Xaaska Madaxweynaha
Mareykanka Michelle Obama, ayaa soo xiratay Goono Baluug ah hayeshee
waxaa dhamaan dadka codka dhibanayay ay eegayeen dhinac libiska hadii
ahaan lahayd, dharka ay soo xiratay, kabaha ay wadato iyo siyaasad ahaan
waxa ay la soo shartagtay.

Dadka Maraykanka Qaarkood gaar ahaan
tageerayaasha Ann Romney  ayaa qaba in Xaaska Madaxwayne Obama ay
 xiligeedi hore ku soo bar baartay nolaal cariiri ah oo ay wali u
muuqato mid aan ka soo kabsan, sida ay qabana dadka qaarkood ,waxayna
tilmaameen in libiska ay la soo shirtagtay uu ahaa  mid aan cusbayn oo
badanaa ay ku aado safarada sida safarkii ay ku tagtay sanadii 2011
Magaalada London.
Ann Romney oo ah Xaaska Mitt Romney
ayaa iyad iska giijinaysa tartankaa waxa ayna soo xiratay libis u muuqda
in uu soo jiitay taageerayaal badan oo badankood ku sifeeyeen mid u
muuqda in uu qurux badan yahay .
Libiska ay ku timid is aragan ayaa
ka duwan kii Xaaska Obama waxa ayna soo xiratay libis cadays ah oo goono
iyo suud ah  socodkana waa uu bedelnaa, sida Saxaafada goob jog ah
sheegayaan, dharka ay xiirneed waxa uu lahaa calaamado cad cadaan ah oo
meelo badan uga soo ekaa Calanka Maraykanka.
Dadka waxaa udorosa, ayaa sheegaya
in ay u badan tahay  marka la fiiriyo libiska iyo Siyaaysada ay la soo
shirtagtay Ann Romney in ay u qalanto qof masuuliyda buuxda qaadi karta,
luguna aamini karo howsha hortaalo , balsa waxaa arintaa ka soo
horjeeda oo qaba fikir ka duwan tageerayaasha Michelle Obama oo qaba in
ay libiskeeda loo fiirin qofka ee wax qabadkeeda loo eego .

Labadaa hawayn ayaa doodii
dhaxmartay Madaxwayne Obaama, iyo Mushrax Mt romney ,wax ay soo xirteen
dhar isku soo dhaw medab ahaan, kuwaas oo soo xirtay dhar  pink ah mana
jirin farqi sidaa u fog oo u dhaxeeyay .

Dooda labaad ee kama danbaysta ahayd
ee   ay isku arkeen  Obaama iyo Mt Romney ayaa la wada sugayay  in
libiska aay soo badli doonaan labada hawayn ee tartanka Siyaasadeed ka
dhaxeeyo waxana midkasta aay dadaal u gashay in libis qurux badan soo
xirato iyagoo libiskooda ahaa kuwa aan kala dhicin hayeeshe waxa ay soo
xxirten dhaar isku  soo dhaw . 





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com