Uncategorized

Wariyaasha oo looga Yeeray Xarunta Madaxtooyada iyo Qaban Qaabada Magacaabista R/Wasaaraha oo socota

Villa Somalia
iftineducation.com – Waxaa hada soconeysa Qaban qaabadii ugu dambeysay oo lagu soo
Magacaabayo R/Wasaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo la filayo
galinka Dambe ee Maanta in uu ku dhawaAqo Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa hada kasoconeysa Madxatooyada Villa
Somalia taa oo loogu diyaargaroobayo magacaabista R/Wasaaraha
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaaliya oo maanta Madaxweynuhu ku dhawaaqi
doono ninka uu ka dhigi doono.

Wariyaasha ayaa lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan Xarunta Madxatooyada
si ay ula socdaan Magacaabista R/Wasaaraha Soomaaliya oo mudooyinkan
lasugayay maantana la filayo kama dambeys in loogu dhawaaqo.

Musharixiin badan ayaa u taagnaa Jagada R/Wasaaraha Soomaaliya hasa
ahaatee waxaa hada uu Madaxweynaha intaas oo dhan uu kala soo baxay Hal
musharax oo la filayo in uu ka dhigo R/Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka
Soomaaliya.

Hadal heynta ugu badan ee Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ah in
C/qaadir Faarax Garaad oo ku magac dheer (Saacid ) loo Magacabaayo
R/Wasaaraha Soomaaliya waana nin kasoo jeeda Beesha Mareexaan , waana
nin Siyaasad ahaan katirsan Xisbiga PDP ee hada haya Talada Dalka
Soomaaliya.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com