Uncategorized

Soomaali Qaxooti ah oo silic iyo saxariir ku heysato Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland(Daawo Muuqaal ahaan)

iftineducation.com – Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa la sheegay inay silic iyo saxariir ay ku
heysato oo ayna ku dhibaateysan yihiin magaalada Amsterdam ee dalkaas
Holland ka dib markii Soomaalidaas dibada la soo dhigey oo loo sheegay
inaan la siineynin wax sharci ah oo ayna ku noqdaan dalkooda taas oo
keentay inay Soomaalidaas ay ku noolaadaan teendhooyin ay dhisteen.


Soomaalidaan oo mudo todabaad ah ku nool teendhooyin ay ka dhisteen
halka loo yaqaan Osdorp oo ku taal magaalada Amsterdam ayaa waxaa la
sheegay in la soo dhigey banaanka oo loo sheegay inaan la siineynin wax
sharci ah oo ayna dib ugu noqdaan dalkooda, Laakiin Soomaalidaan ayaa
waxay sheegeen inaysan waqtigaan xaadirka ah aysan ku noqon karin
dalkooda daruufo jira awgood, sidaas awgeedna ay danta ku qasbeyso inay
banaankaas dhigtaan teendhooyinkaas maadaama aysan garaneynin meel kale
oo ay afka saaraan maadaama laga soo saarey xerooyinkii ay ku jireen oo
sheegay inay dalka ka baxaan, Soomaalidaas ayaa waxaa teendhooyinkaas
ay ku nool yihiin ku heysta dhibaato ay ka mid yihiin jiif xumo qaboow,
dabeyl iyo roobab joogto ah Duqa magaalada Amsterdam Eberhard van der
Laan oo dhawaantaan soo booqday teendhooyinkaas ay Soomaalidaas dhigteen
ayaa sheegay inaan ilaa iyo hada la qaadi doonin laakiinse ay il gaar
ah ku eegi doonaan haddii ay sii bataan dadka ku jira teendhooyinkaas,
asagoona sidoo kale sharuud ka dhigey inay halkaas ka baxaan dumarka
uurka leh iyo caruurta yar yar, Qaxootigaan oo tiradooda lagu qiyaasay
inay ku dhow yihiin kontameeyo ayaa Soomaalida ka sukow waxaa kale oo
halkaas ku weheliya qaxooti ka kala yimid wadamada Suudaan, Itoobiya iyo
Eritrea.
 
Ugu dambeyntiina iyadoo qaxootigaas ay ku nool yihiin nolol adag oo
ayna jiifaam qabow iyo dabayl islamarkaana ay halkaas ku heyso raashin
xumo ayaa sidoo kale waxaa halkaas ku heyso musqul la’aan taas oo ay
qaxootigaas isticmaalaan waxyaabo ay ayagu farsmeysteen, dadka deegaanka
oo ay qaar arintaas dhibsadeen ayaa qaxootigaas waxay la soo gaaraan
cunto, dhar iyo waxyaabo kale oo ay u baahan yihiin, Laakiin sida uu
sheegay wasiirka qaxootiga ee dalka Holland Gerd Leers inay qaxootigaas
Soomaaliyeed ay ayagu doorteen inay ku noolaadaan xaalaadaas adag asagoo
sidoo kalena sheegay inay Soomaalidaas ay mar walba isku dayayaan inay
ka hor yimaadaan go’aanka ay gaarto wasaarada cadaaladu taasna aysan
ahayn mid la aqbali karo, Dowlada hoose ee magaalada Amsterdam ayaa
waxay halkaas ka qaaday oo ay geysay xero qaxooti ah hooyo Soomaaliyeed
iyo labadeeda caruur, qaxootigaan Soomaalida ayaan wali la ogeyn waxay
xaaladoodu ku dambeyn doonto iyadoo isku day ay marar hore u sameeyeen
qaxooti Soomaaliyeed sidaan oo kale aysan wax natiijo ah oo wax lagu
gaarey aysan ka soo bixin.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com