Uncategorized

Sheekh Xasan Yacquub oo Boqolaal katirsan Al-Shabaab iyo Dadweyne badan ku dujiyay Ceel Buur+ sawiro

iftineducation.com – Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta si aad loogu
ciiday iyadoona Degmadaasi ay iskugu soo baxeen Boqolaal dadweyne oo aad
ugu faraxsanaa Munaasabada Ciidul Adxaa.
Barxad weyn oo kutaala Degmada Ceel Buur ayaana saakay lagu dukaday
salaada Ciidul adxaa halkaas ay iskugu soo baxeen Boqolaal Dadweyne ah
iyo ciidamo badan oo Al-Shabaab katirsanaa iyo Saraakiil sarsare .
Salaada Ciida waxaa Shacabka Ceel Buur dujiyay Gudoomiyaha Gobolka
Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub cali oo dhawaan loo Magacabay Gudoomiyaha
Gobolkaasi ,waxaa sidoo kale salaada halkaasi ku dukaday saraakiil sar
sare oo katirsan Al-Shabaab.
Sheekh Xasan Yacquub ayaan salaada kadib dadweynihii isugu soo baxay
Dukashada Salaada Ciida ugu hambalyeeyay Farxad Ciida isagoo sidoo kale
ka hadlay Dagaalada kasocda qeybo kamid ah caalamka iyo sidoo kale
dagaalada ay Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah Gobolada Dalka.
Amaanka Baraxdii lagu duknayay Salaada ciida ayaana ahaa mid aad loo
adkeeyay halkaas ay gaaf wareegayeen ciidamo badan oo katirsanaa
Al-Shabaab ,Shacabka Ceel Buur ayaana manta aad ugu faraxsanaa Ciidul
Adxaa.
x





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com