Uncategorized

Sargaal sare oo katirsanaa Ururka Al-Qaacida Mudana kusugnaa Gudaha Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay

iftineducation.com – Xukuumada Yemen ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka
tirsan Al-Qaacidada Somalia kaasoo ka mid ahaa liiska xubno badan oo in
muddo ah ay ku raad joogeen heyadaha sirdoonka Maraykanka.

Saraakiisha ka tirsan ciidamada amaanka dalka Yemen ayaa sheegay in
ninkan ka tirsan Al-Qaacida ee ay hayaan uu xili dhow ka soo laabtay
gudaha Somalia, isagoo Yemen u yimid inuu gacan siiyo Al-Qaacidada ku
xoogan koonfurta dalkaas.

Sarkaalkan ka tirsan Al-Qaacida waxaa uu booqasho ku gaaray Somalia
isagoo la soo kulmay madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab, waxaana ku
qabanay isagoo ka soo degaya deked lagu magacaabo Dibah oo ku taala
gobolka Xadramuut, xili uu ka soo laabtay safarkiisa Somalia, haatana
waa xiran yahay” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka
Yemen oo la hadlayey wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ee SABA.

Dowlada Yemen m sheegin sarkaalkan magaciisa iyo dalka uu ka soo jeedo
lamana oga in loo gacan gelin doono dowlada Maraykanka iyo in kale,
maadaama labada dowladood uu ka dhexeeya iskaashi la xiriira dhinaca la
dagaalanka waxaa loogu yeero argagaxisada, waxaana Yemen ay dagaal adag
kula jirtaa kooxo ka tirsan Al-Qaacida oo ka taliya degaano ku yaala
koonfurta dalkaasi.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com