Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh“Ra’iisul Wasaare 4-ta sano wada dhameysano oo aysan dhicin in la badalo ayaa soo wadaa”

iftineducation.com – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha soo
socda in uu noqon doono mid lagu soo xushay tayo iyo karti hufnaan ku
dheehan tahay, wuxuuna xusay in ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha sida
ay u soo daahday in aysan u soo daahi doonin dhismaha xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaare 4-ta sano wada dhameysano oo aysan dhicin in la badalo
ayaa soo wadaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkan ka
sheegay xili uu la kulmayay waxgarad Soomaaliyeed oo xafiiskiisa ku
booqdeen

Madaxweynaha ayaa qofkii noqon lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
jeebka ugu jiro, iyadoo tan iyo markii la doortay uu Madaxweynaha la
tashi ka sameynayay arintaasi, hase ahaatee hada u muuqata mid soo
gabagabowday.

Maanta ayaa la filayay in lagu dhawaaqo laakiin sababo jira darteed dib
ayaa loo dhigay waxaana laga yaabaa in maanta lagu dhawaaqo mas’uulka
noqonaya Ra’iisul Wasaaraha cusub.


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com