Uncategorized

Madaxda ugu sareysa Dalka oo Maanta si wada jir ah Salaada Ciida ugu dukaday Isbaheysiga(Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Sadexda masuul ee ugu sareysa dowlada Somalia oo kala ah madaxweyne
Xasan Shiikh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Cismaan Jawaari
iyo raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa saaka dadweyne boqolaal
gaaraya salaadii ciidul adxaa kula tukaday masaajidka Isbaheysiga
Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Tukashadan salaada ciida ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay
xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada qaar ka mid ah xubnihii
golaha wasiirada ee xiligoodu dhamaaday iyo masuuliyin kale ayaa waxaa
si weyn loo adkeeyey amaanka masaajidka Isbaheysiga.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa la xiray,
lagana joojiyey gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu gooyey
gaadiid dagaal oo ay hareeraha ka joogeen ciidamo aad u hubeysan oo ka
tirsan dowlada Somalia.

Sidoo kale, ciidamada nabad sugida ayaa dhowr meelood oo masaajidka
isbaheysiga banaankiisa ah si adag ugu baarayey dadweynaha ku qulqulayey
gudaha masaajidka,, waxaana sidoo kale hareeraha masaajidka ilaalo adag
ka hayey ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo salaadii Ciidul Adxaa ka
dib la hadlay dadweynaha masaajidka uu kula tukaday ayaa waxaa uu ugu
hambalyeeyey munaasabada ciida isagoo ugu baaqay iney is cafiyaan, isuna
naxariistaan, isla markaana taageeraan dowlada si dhibaatada dalka
looga baxo.

Munaasabada Ciidul adxaa ee sanadkan ayaa ku soo aaday isbedel
siyaasadeed uu ka dhacay, dalka, ka dib markii uu meesha ka baxay
xiligii KMG ahaa ee dalka uu ku xoo jiray 7dii sano ee la soo dhaafay,
dhinaca kalena dalka loo doortay madax cusub oo hogaaminaya dowlad rasmi
ah oo dalka ka hirgashay markii ugu horeysay 22 sano ka dib.

























____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com