Uncategorized

Hotel Layaab leh Nuuciisa aan Dunida horey loogu arag Dad badana ay layaabeen oo Dhawaan la furay

iftineducation.com – Dhacdooyinka iyo La Yaabka dunida waa kuwa isdaba yaala oo maalin walba
dhacdooyin cusub ayaa kusoo kordha, laakin markii Dhacdada iyo Layaabka
uu la xariiro Xayaawanada waa mid cajiib ah.



Hada waxaan idiin soo bandhigi doonaa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu
yaabka badnaa oo ka dhacday wadanka Brazil kadib markii suuqa lagu
iibiyo alaabaha lagu ciyaarsiiyo xayaanada guri joobta ah lagu soo
bandhigay arin layaab leh.



Suuqa lagu iibiyo alabaaha lagu dheelsiiyo xayawaanada sida Bisadaha iyo
Eyaha ayaa maamulka Suuqaasi waxa ay sameeyeen maalin loogu tala galay
Jaceylka Xayawaanada iyo Hotel loogu magac daray Hotelka Jaceylka si ay
isku dhaafsadaan Kalgaceylka ay isku qabaan xayawaanada gaar ahaan
Eeyada .



Si loo dheeri galiyo Jaceylka ka dhaxeeyo Eyada waxaa la sameeyay Hotel
wayn kaasoo leh Qolal Jiif ah hadaba qolba waa mid si gaar ah loo
habeeyay waxaana loo diyaariyay Qaab casri ah waxaa lagu xardhay
Miyaarad sida wadnaha oo kale sameeyay waxaana la duldhigay Barkino
guduudan iyo Nalal iftiinka la qafiifiyay qul walba sida uu u sheegay
wargeyska Fallor .



Milkiilaha hotelkan oo lagu magacaabo Fabiano oo faahfaahin ka bixin
mashruucan ayaa sheegay in dad badan aysan ogeyn in Eyga uu yahay sida
caruurta oo kale ayna wanaagsantahay in wanaagsan loola dhaqmo, hadaba
aqristow waxa is waydiin mudan hadaba qofka iska leh eyga meeqa ayuu
bixinayaa si habeenkaas uu Eygiisa Hotelkaa u jiifto? Sida lagu qoray
wargeyska Fallor ayaa la shegay in Eyga habeenkii uu Hotelkaa loogu
magac daray Hotelka Jaceylka uu ku jiifan karo lacag $ 50

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com