Uncategorized

Haweenka Sacuudiga Oo La Ogaaday in ay Ragga Dalkaasi Kaga Horeeyaan Iibsashada Gawaarida Raaxada

iftineducation.com – Rag ku taqasusay suuqgeynta Gawaarida ayaa sheegaya in Haweenka ku nool
Boqortooyada Sacuudiga ay aad u iibsanayaan Gawaarida Raaxada ,iyaga oo
kaga dhereeyay ragga iibsiga gawaaridaasi.

Illaa iminka waxaa la’xaqiijiyay in 70 % haweenka ay iskood u iibsadaan
Gawaarida ,bandhig lagu sameeyay Magaadla Jidda Ee dalka Sa’uudi Arabia
oo ay ka qeyb galeen 5,000 oo haween ah ayaa looga hadlay wax yaabaha ay
haweenka dalkaasi ku kalifaya in ay iskood u iibsadaan Gawaarida
Moodooyinka ugu dambeeyay.

Madaxa Shirkadda iib geynta Gawaarida Oo fadhigeeda yahay sacuudi Arabia
ninka lagu magacaabo Cisaam Al-bannaan ayaa tilmaamay in haddi haweenka
dalkaasi loo ogolaado in gawaarida ay ka’xeeyn karaan lafilayo in
haweenka ka’xeeya gadiidka ay gaari donaan 90%.

Mas’uulkan u hadlay shirkadda iibisa Gawaarida ayaa saaca ka qaaday in
haweenka ay aad u jecel yihiin gawaarida Japanka lagu soo farsameeyo
,waxaa kaloo oo ay aad u riyaaqaan in ay ku daysadaan haweena dalka
Faransiiska Ee gawarida ku kaxeeya Paris.

War bixinta sidoo kale waxa ay daaha ka rogtay in haweenka ay
dalbanayaan in kuraasta gaariga lagu xardho Furaash len midabka xaraha
xolaha ama u eg maarkada Boorsooyinka gacanta lagu qaato.

Warbixintan ayaana Waxaa daabacday Wargeeska Al-Xayaat ee ka soo baxa boqortooyada sa’uudi Arabia.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com