Uncategorized

Gabar yaheey Ma Jeceshahay in Sodohdaada ku Jeclaato, hadii haa tahay ku dhaqan 10-kan Qodob (u gaar Haweenka)

iftineducation.com –Haweenka xaasaska ah ayaa waxaan usoo gudbinaynaa 10 qodob oo hadii ay
si dhab ah u dhaqan galiyaan kasban karaan hooyada ninka aad u dhaxdo
dhashay Xiriirkoodana ka dhiga mid joogto iyo wanaag ku dhisan,

Gabadha aan xiriirr wanaagsan la’lahayn hooyada wiilka ay u dhaxdo waxaa
ay ku kasbankartaa wax yaabo farabadan oo ay ugu horeeyso :

1-Marka hore weeydii saygaaga wax yaabaha ay jeceshay hooyadii iyo waxa ay dhibsaneyso.

isku day in had iyo jeer aad weeydiiso ninkaaga waxa ay ku saamoobi
karto hooyadii oo ay jeceshahay ,ra’yigaaga ha ka hadlin ee tixgali waxa
uu kaaga sheego hooyadii ,taasi oo ay suura gal tahay in xiriir
wanaagsan aad ka dhaxasho.

marka aad soo ogaatay waxyabaha ay jeceshay waxaakale oo muhiim ah in aad ogtahay waxyaabaha ay dhibsaneyso si aad uga fogaato.

2-U iibi Hadiyado :

Waxaa dabiici ah in aad u qadarinasyo qofka kuu soo martiya isaga oo
waliba gacmaha kuwado hadiyado uu kuugu tala galay ,hooyada dhashay
ninka ku qabo waa ay ku jeclaan doonta dhabtii haddii aad u ii biso
hadiyado aad ogaatay in ay jeceshahay iskuna day in aad kaga
faa’iideeysato aragtidaasi wax yabaha ay jeceshahay

3-Labiso Dhar aad u qurux badan :

Labiso dhar aad u bilic wanaagsan marka aad ku booqanayso hoyga ay dagan
tahay ,ha ku aadin hoyga sodogtaa adigoo labisan dhar qaali ah
,tintaada u shalee si qurux badan qari dhammaan ceebta jirkaaga uu
leeyahay yeeysan kaa helin dul duleel ay kala hadasho oo ku sabsan
ceebtaada

4-Aqbal afkaarta kaaga imaanaysa dhankeeda :

Hooyadu waxa ay wax walba u sameeysaa in wiilkeeda ay ilaaliso marka
iska ilaali in aad weeydiiso su’aalo ay ka mid yihiin see waxaan ugu
karisaa ama kuwo la’mid ah waa in aad ku ammaanta dhammaan waxa aad kala
kulanto, qaadataan qaar ka mid ah tilmamaha ay ku siiso

5-Noqo Gabar Edeb leh :

Haddii aadan awoodin in aad ku aamaanto waxa aad kala kulan ugu yaraan
afgaabnoow oo ka amus ,hadalka haka boobin hana kula doodin wax aan wax
macno ah lahayn

6- La’xiriir :

Xiriir taleephon la samee hooyada wiilka ku qabo mar walba hana ka sugin
in ay iyadu ku soo xiriiriso xiriirka aad la’sameeyneeyso waxa uu u
noqonayaa halbeeg wanaagsan oo ay aad ugu faraxdo.


7-Tashi la’samee :

Wada tashi la’samee oo weeydii su’aalo dhoor ah maxaa yeelay waa ay ku farxeeysaa su’aalahasi aa dweeydiisay.


8-Ka dhig qofka ugu wanaagsan :

sikastoo oo khilafaad kaala dhexeeyo u muuji in ay kaa toosan tahay ku
dheh adaa saxan qaladkana waa aniga ,waxaad muujisaa wanageeda xiliyada
kulamada qaraabada ay isuku yimaadaan

9-Siwanaagsan ula dhaqan seeygaaga xiliyada ay idinla joogto hooyada dhashay wiilka ku qabo :

Fursada ugu wanagsan ee aad ku kasban karto kalsoonida hooyada dhashay
ninkaaga oo aad ku guuleysan karto xiliyada ay martida idiintahay
hooyada seeygaga.

10-Cafis sii

Tusi in aad tahay qof saamaxaad badan oo ninkeeda had iyo jeer cafisa
seygeeda Dhammaan qodobadaan gabar yaheey waxa aad ku kasbankartaa
kalsoonida sodogtaa waqti dheerna kuguma qaadan doonto in aad sameeyso
oo aad ku guuleysato

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com