Uncategorized

Fanaanada Nimco Dareen waa qof noocee ah?

Nimco Dareen
iftineducation.com – Fanaanada magaceeda oo buuxa waa
Nimco Maxumad Xasan waxayna ku magac dheertahay(Nimco Dareen), waa
fanaanad codkeeda aad loo jecelyahay kana mida xiddigaha xiligaan ugu
shidan fanka Soomaalida.
 
 
Nimco dabeecad ahaan waxaa lagu
tilmaamaa iney tahay qof dabacsan oon aqoon isla weynin iyo wixii
lamida, waxey caan ku tahay dhoola cadeynta iyo  muqaal soo jiidasho
badan.
Naaniista Dareen waxay u baxday
fanaanada mar ay soo saareysay heesteeda ‘Dareen ah ku bilowday’ waxaana
sida ay sheegtay u bixiyay al fanaan Xasan Adan Samatar.

Nimco waa fanaanad Soomaaliweyn u
dhexeysa dhamaantoodna u heestay, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay qof
la socota hadba xaalada markaas taagan. sidoo kale waxey leedahay bog ay
kala xiriirito waxna ugu sheegto taageerayaasheeda.
Heesaha ay qaado Nimco waa kuwo si
wanaagsan loo jecelyahay dhamaantood, waxayna aad ugu caan baxay heesaha
Dhaantada ah oo sida badan xiddigaha Soomalidu aysan qaadin.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com