Uncategorized

Fadeexad iyo ceeb weyn oo soo wajahday shaqaalaha wax baara ee Garoomada Diyaaradaha Dalka Mareykanka(Daawo Muuqaal Ahaan)

iftineducation.com – Fadeexad iyo ceeb weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday
shaqaalaha wax baara ee garoomada diyaaradaha dalkaas Mareykanka ka dib
markii ay shaqaalahaas ku caan baxeen xatooyo iyo tuuganimo joogta ah oo
ay u geysanayaan hantida iyo alaabta dadka rakaabka ee ay baarayaan



Shaqaalahaan ka howl gala ilaalinta amaanka ee garoomada diyaaradaha ee
dalkaas Mareykanka oo loo yaqaan TSA (Transportation Security
Administration) ayaa waxaa la sheegay inay ku kacaan fal xun oo
tuuganimo ah iyadoona ay shaqaalahaas ay caadeysteen inay xadaan hantida
dadka rakaabka ah ee ay baarayaan iyadoona ay arintaas ka dhacdo
garoomo badan oo ku yaala dalkaas Mareykanka iyadoona ay shaqaalahaas
xadaan oo aysan caafin waxyaalaha elektaronika ah sida Laptopyada,
iPadka, Kamarida iyo dhamaan wayaabaha qaaliga ah ee kale. Shaqaalaha
tuugada ah ayaa waxaa dhawaantaan cadeeyey telefishinka ABC News ka dib
markii uu iska soo dhigay mid ka mid ah rakaabka diyaarad ka dibna ay
halkaas uga tageen iPad qaali ah taasoo oo keentay inay halkaas ka xado
nin ka mid ah shaqaa;ahaas oo gurigiisan geystay, laakiin waxa uu
ninkaasi ogeyn ayey waxay ahayd in ipadkaasi uu ku xirnaa qalab tixraac
ah oo sheegaayo halka lagu heysto, baaritaan ka dib ayuu qalabkaas waxaa
uu u hogaamiyey in iPadkaas lagu heysto guri uu leeyahay sarkaal ka
tirsan shaqaalaha wax baaro ee garoonka diyaaradaha ee Orlando airport
ee magaalada Florida ee dalkaas Mareykanka, ninkaas oo lagu magacaabo
Andy Ramirez, islamarkaasna uu iPadkaas markii ugu dambeysay gacantiisa
ku jirey ayaa halkaas ka xaday, Laakiin kooxdii telefishinka ABC News
ayaa waxay ka war sugeen ilaa iyo mudo 2 todobaad ah bal in iPadkaas loo
soo celiyo hasa yeeshee wax jawaab ah ma aysan helin taasoo oo keentay
inay markii dambe ay iyagu doontaan, inkastoo uu sarkaakaas uu markii
hore uu inkirey iPadkaas ayuu markii dambe oo uu arkey inuu alarmigii
iPadku dhawaaqay oo ayna cadaatey inuusan sinaba ku baxsaneyn ayuu soo
saarey ninkaas tuuga ah asagoona arintaas ku macneyeeye inay xaaskiisu
ka soo qaaday Airoporka oo ayna keenay iPadkaas gurigooda laakiin ninkii
weriyaha ahaa ayaa runta indhaha ka saarey una sheegay inuu asagu ugu
dambeeyey iPadkaas


Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas sarkaalka ah
ee lagu magacaabo Andy Ramirez islamarkii ay ku cadaatey arintaasba
shaqada laga ceyriyey islamarkaana la baaraayo in lagu soo oogo fal
dambiyeedka uu sameeyey ayaa sida ay sheegtay madaxda shirkadaas in ilaa
mudo 8 sanadood ku dhow ay shirkadaasi ay ka ceyrisay shaqada qaarna
xabsiga la dhigay saraakiil u shaqeyn jirtey oo ay tiradoodu gaareyso
ilaa iyo 381 sarkaal, iyadoona ay tiradaasi ay ku jirto ilaa iyo 11
sarkaal oo shaqada looga ceyriyey sanadkaan gudihiisa ka dib markey
xatooyo u geysteen hantida dadka rakaabka ah ee ay baarayaan, Qaar ka
mid ah madaxda wasaarada amniga qaranka ee ay heyadaas hoos timaado ayaa
sheegay in arintaas si weyn loo dabi gali doono islamarkaana la sugi
doono inay hantida dadka rakaabku noqoto mid mar walba ku jirto
gacmoamaan ah oo aan looga baqeyn xatooyo.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com