Uncategorized

Dhismaha Xarunta Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare oo Gabo gabo maraya.+ sawiro

iftineducation.com – waxaa mudooyinkii danbe howla dayactir ah ay ka socotay Xarunta
Wasaaradda Tacliinta Sare & Hiddaha ee Magaaladda Muqdisho
dayactirkaas oo hadda maraya meel gaba gabo ah iyadoona ay dayactirkaas
fulineyso Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha & Tacliinta Sare, waxaa
maanta kormeer ku tagay xaruntaas Masúuliyiin ka socotay Wasaaradda
iyagoona kormeeraya meesha uu marayo dayactirkaas.
wasiir K/xigeenka Wasaaradda Cabdiqaadir Sh Cali Baqdaadi ayaa
sheegay in dayactirkaan uu marayo meel gabo gabo ah ayna Wasaaradda u
soo wareegi doonto goor dhaw wuxuu kaloo intaas uu ku daray in aysan
jirin Hayádd ka gacan siinayso dhismahaan marka laga reebo Shirkada
Fulineyso howshaan oo Wasaaradda heshiiska la gashay.
sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muse Farah Xeyd oo ka mid
ahaa masúuliyiintii tagtay Xaruntaas ayaa ku nuux nuuxsaday baahida ay u
qabaan in ay xaruntaan u soo wareegaan asigoo sheegay in ay hadda ku
shaqeeyaan goob waxbarasho oo ah school Wasaaraddana aysan heysan
xafiisyo ku filan ayna Xaruntaan muhiin u tahay.
ugu danbeyntii tan iyo markii laga saaray dadkii degnaa xarunta
Wasaaradii Tacliinta Sare & hiddaha waxa ay ma’suuliyiinta
Wasaaradda ku howlanaayeen sidii Wasaaradda ay ugu shaqeyn laheyd
xaruntaas waxaana hadda heer gabo gabo maraya Dayactirkii lagu waday
xaruntaas.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com