Uncategorized

Dhawr magac ayaa la ii bixiyay intii aan xilka qabtay:Madaxweyne Sheekh Xasan(Jug-soo-dhacay)

Madaxweyne Xasan Sheekh
iftineducation.com – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka hadlayay Xafladii lagu Magacaabayay R/Wasaaraha Cusub ee
Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ula soo daahay Magacaabista Raizul
Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya,taasina ay keentay in magacyo badan
Saxaafadda u bixiso

Madaxweynaha waxa uu xusay sababta daaha keenay in ay aheed wada
tashiyada ku aadan Magacaabista R/Wasaaraha uu badinayay si loo helo
shaqsi hufan oo hool kar ah lagu aamini karo Xilka Culus ee R/Wasaaraha
Soomaaliya.

‘’Waan filayaa Dad badan waxa ay rabeen in xili hore aan 
Reysalwasaare ku dhawaaqo,waad la socotaan Saxaafadaha Soomaalida
magacyo badan bay ii bixiyeen,sida Xasan-Maskiin Xasan-Damjadiid
Xasan-Qoslaaye Xasan-Xoolo,Xasan-Jugsoo-Dhacay iyo Xasan Guur-Guurte
laakin aniga Naaneesteeda waxaa la yiraahdaa Gur guurte ugu dambeyna
Gurguurashadeeda Maanta ayey soo dhamaatay waana taa aan magacaabay
R/Wasaaraha Soomaaliya ‘’ ayuu yiri Sheekh Xasan Damjadiid oo kaftamaya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana sheegay in kalsooni badan ku
qabo Raizul Wasaaraha Cusub uuna aaminsan yahay in uu isbadal keenayo
dadkuna ay aad u dhoorayeen hooshada adagna ay la garab istaagaayaan
R/Wasaaraha Cusub una duceenayaan.

Dad badan ayaa horey ugu xaman jiray R/Wasaaraha Soomaaliya in uu
leeyahay Dhoor naanees ay ku jiran kuwa Cusub oo hada loo bixiyay balse
uu hadda Naaneesta Guuguurte uu ka baxsady maadaama uu ku dhawaaqay
Reysalwasaarihii’ayuu yiri Madaxweynaha oo qosol isku celin-waayay
dhaqankiisana ay tahay inuu yahay nin qosoll badan taasina ay sababtay
ın Xasan-Qoslaaye Saxaafadaha qaarkood u bixiyeen.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com