Uncategorized

Daawo Muuqaalka Xajka Sanadkan ugu Xausuusta badan Xaaji Boosniyaan ah oo lug ku soo Xajiyay (Yaa Allah Ilaah ha u Aqbalo)

iftineducation.com – Waxaa warbaahinta Caalamka oo dhan noocyadeeda kala duwan soo qaateen
wareysiyo lala yeeshay Muslim Boosniya u dhsahay Xambaarsan Calankii
Wadankiisa iyo Boorso 20KGr ah oo ay ugu Jirto sahay intii uu awooday.

Ninkan waxaa lagu magacaabaa Zanat Hadzej 47 jir ah oo ah Qabiir
Dhaqaalaha ku taqasusay, waxa uu Xajka usoo lugeeyay fogaan ka badan
6000 KM waxa uuna socodkiisa kasoo bilaalaabay magaalada uu ka soo jeedo
ee ku taala Waqooyiga Boosniya Bishii Sideedaad ee Sanadkii tagay, si u
soo guto Waajibka Xakja.

Zanat Hadzej waxaa lagu qiyaasay inuu
maalintiiba lungeyn jiray inta u dhaxaysa 20 KM ilaa 30 KM asagoo marka
habeenku u galena ku hurdi jiray Wadooyinka iyo Masaajida, mararka
waxaana marti soori jiray Dadka daganaa dhulka uu markaas Habeebka ugu
galo, waayo qarashka uu safarka kusoo galay waxa uu ahaa 200 Yuro
kaliya.

Zanat Hadzej oo sheegay sababta uu isusoo biimeeyay
dhibaatada intaas la eg usoo galay ayaa waxa uu sheegay inuu doonayay
gudashada Waajibkaas, waxa uuna yiri ma awoodin inaan helo lacag aan
Diyaarad kusoo raaco waxaanan go’aan ku gaaray inaan Cagahayga maalo.

Zanata Hadzej waxa uu socod kusoo maray Lix Dal laga oo kala ah
Boosniya, Zerbiya, Bolgaariya, Turkiya, Suuriya Urdun ilaa uusoo gaaray
Xuduuda Wadanka Sacuudiga halkaasoo laga siiyay Viize walow fasax lug ah
u helin inuu Makas ugusii gudbo oo diyaarad lagaga qaaday Urdun.

Zanat
Hadzej waxaa Safarkiisa ilaa Makah ay ku qaadatay 314 Maalin waa Sanad
Maalmo dhiman, taasoo Zanat ka dhigaysa Muslimkii ugu horeeyay ee
Taariikhadan cusub inta la ogyahay Xajka usoo mara Masaafo intaas la eg
ayadoo weliba Dalalka uusoo maray ay ay kala duwanaayeen Siyaasad ahaan,
Diin ahaan iyo Jawi ahaanba.

Waxaana xasuusin mudan Zanat
Wadamada uusoo maray Diin ahaana Qaarkood waxay ahaayeen Masiixiyiin
Qaarna Muslimiin, Wadamada Qaarna waxay ahaayeen Wadamo ay Wada dagaan
Muslimiinta iyo Masiixiyada waxa uuna sheegay Dadkii uulasoo kulmay oo
dhan inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen una marti soori jireen intuu
Safarka soo ahaa.

Waxaa uuna Zanat sidoo sheegay inuu fka ku
hayay Talbiyada Xajka mudada uu socodka kusoo jiray oo uusan marna
afkiisa ka deynin, mar walba uu daal dareemana uu naftiisa ku dhiiri
galin jiray yoolka uu leeyahay qiimihiisa illaahna waxa uu ka baryi
jiray inuu Awood siiyo si uu u gaaro Makah. Zanat mar la weydiiyay
miyaadan Cabsi dareemin maadaam aad soo martay Dhulal kala duwan Buuro,
Togag, Wabiyaal iyo Dhul Banaan ahba? Waxa uu ku jawaabay:

Maxaan
u cabsadaa Ilaah ayaaba ila jiree, mar la weydiiya Boorsada weyn ee
dhabarka u saaran waxa ugu jirayna? waxaa uu sheegay inaysan ugu jirin
Biyo iyo Cuntaba oo uu Sibraarkiisa marnaa markii uu ka soo baxayay
Magaaladii uu kasoo bilaabay socodka.

Zanat markii uu gaaray Makah waxaa si Maamuus leh usoo dhaweeyay Dad
Maalqabeeno iyo Culimaba isugu jira ayagoo qaarkood ka dalbaday inay
dajiyaan Hoteelada ugu qaalisan ee Xujaayda dagto walow uu ka diiday
kana doorbiday inuu la dago Xujaayda dagan meelaha caadiga ah ee
Xujaayda dagaan.

Zanat Hadzej waxaa ka muuqatay farxad iyo
kalsooni aad u weyn markii uu gaaray yoolkiisii ama ay u dhabawday Riyo
tiro sadax jeer ah kusoo noqnoqatay, taasoo uu ku arki jiray mar kasta
asagoo Xajka lug ku tagay soona Xajiyay.



Daawo:



____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com