Uncategorized

Barnaamij laga diyaariyay Soomaali caruurtoodii laga qaatay +Video

iftineducation.com – Yasmin Alas oo ah Gabar Soomaaliyeed oo
mudo ku nool dalka Holland ayaa barnaamij ay ka diyaarisay nolosha
Qosyaska Soomaaliyeed ee dalka Holland ayey waxay ku soo bandhigtay
dhibaatooyin ka heysta xagga nolosha gaar ahaan isfaham la’aanta u
dhaxeysa Caruurta iyo waalidiinta.
Barnaamijkan oo laga sii daayay Sabtidii
{07-10-2012} TV-ga Nos2 ayaa wuxuu soo qaatay Hooyooyin Soomaaliyeed oo
la ilmeynaya caruurtoodii oo laga kaxeystay, waxayna ka cabanayeen in
caruurtooda dhaqamo xun lagula dhaqmo oo loo geeyay dad aysan isku diin
aheyn.
Waalidiinta Soomaaliyeed ee laga
kaxeystay caruurtooda ayaa ku andacoonaya in aysan jirin wax muuqda oo
caruurtooda looga kaxeysto,  iyadoo lagu eedeynayo iney kasoo bixi
waayeen xaquuqdii waalidnimada iyo iney dilal u geystaan xiliga ay
cannaanayaan.
Qeybta Labaad ee barnaamijkan ayaa
Todobaadka danbe laga soo deyn doonaa, kaasoo looga hadli doono
dhaqamada Soomaalida iyo dhibaatooyinka nololeed ee ay la kulmaan.
Halkan ka daawo Barnaamijka Yasmin Alas ay ka diyaarisay Soomaalida Holland

Get Microsoft Silverlight Bekijk de video in andere formaten.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com