Uncategorized

Barcelona inkaarteenii ayaa ku dhacday :Falastiiniyinta oo warkan faafiyay

iftineducation.com – Dadweynaha Fasaltiiniyiinta oo maalmahan Masaajidyadda ka inkaarayey
Kooxda Barcelona oo Garoonkeeda 7-da Oktoobar ku casuntay Askari
Yuhuudi oo Ururka Hamas ee Falastiiniyiinta ku qabteen dagaal ka dhacay
marinka Gaza,balse markii dambe sii-daayay kadib markii Israel iyo
Ururka Hamas ay is-weydaarsadaan Maxaabiis uu ku jiro Askarigan lagu
magacaabo Gilat-Shalit ee Garoonka Barcelona lagu casumay.

Haddaba waxaa dhacday arin ay ka naxeen taageerayasha Barcelona
xalay kuna farxeen Falastiiniyiinta ,kadib markii uu Gacan ka jabay
Kabtankii Kooxda Barcelona ee Puyol,waxaana arintan buun-buuniyay
Saxaafadaha Falastiiniyiinta oo sheegay in godobta ay ka galayaan
Barcelona Dadweynaha xornimadoonka ee Falastiiniyiinta inay ku dhacday
inkaartoodii,maadaama Kabtankii kooxda Barcelona Puyol ee casuntay
Askarigan gacanku-dhiiglaha ah ee Yuhuudda mucjiso rabaani ah la tusay.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com