Uncategorized

Aqriso Taariiqda Nololeedka Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ee Galabta lagu Dhawaaqay (Taariiq Kooban)

Raisul wasaaraha cusub ee somalia c/qaadir faarax
iftineducation.com – R/wasaaraha Soomaaliya magaciisa waa Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
waa dhaqaal yahan khibrad dheer u leh dhanka ganacsiga gaarka loo
leeyahay.

Dr Cabdi R/wasaaraha dalka waxa uu ka qalinjabiyay jaamacadii Ummadda
Soomaaliyeed ee Gaheyr sanadka markii uu ahaa 1983, taas oo uu ka qaatay
shahaadada Baajulaar ee dhaqaalaha.

Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaradii maaliyada
iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaal yahan halkaas uu 1985 u wareegay
ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkadii lagu
magacaabijiray Bretton woods instatutions isla markaana uu ahaa aas
aasihii iyo milkiilihii shirkada loo yaqaano shirdon international Ltd
ilaa 1991.

Dagaalkii sukeeye ee ka dhacay dalka sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u
guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya markaas oo uu noqday aas
aasihii iyo milkiilihii shirkada looyaqaan shitreco Ltd iyo Shaam.

R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa ahaa mudadii uu burka jiray shaqsi u
dhuun duleela siyaasada dalka Soomaaliya hadba meesha uu mareyso.

Dr Cabdi Faarax Shirdon ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha rajo forum.

Saacid waxa uu leeyaha 4 caruur ah iyo xaas waxaana xaaska R/wasaaraha
lagu magacaaba Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com