Uncategorized

Wiil Soomaali ah oo xulka Qaranka Norway looga gacan haatiyay & Jaraaidyada dalka Norway oo arintaan wax ka qoray (Akhri warka oo Tarjuman+Sawiro)

iftineducation.com – Jaraaidyada ugu caansan dalka Norway ayaa shaaciyay soona bandhigay Xiddig Soomaaliyeed oo looga gacan haatiyay xulka Qaranka Norway. Laacibkaan cusub waxaa lagu magacaabaa Liibaan Cabdi wuxuuna u saftaa kooxda reer Portugal ee Olhanense.

Ciyaaryahan Liiban Cabdi oo 23 jir ah wuxuu kulankii ugu dambeeyay Gool ka dhaliyay kooxda Fc Porto waxaana iminka si toos ah ula soo xiriiray Macalinka xulka Qaranka Norway Mr.Egil Roger Drillo.Wadamada Yurub waxaa ku soo badanaya Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hor martay Ciyaaraha Kubada cagta balse qaar ka tirsan Dhalinyaradaan markii ay laacibiin noqdaan waxaa laga waayaa Maslaxa ciyaaraha Kubada cagta.

Halkaan Ka Daaawo

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com