Uncategorized

War Deg Deg ah: Qaraxyo Xoogan oo ay ku dhamaadeen Wariyayaal badan oo ka dhacay agagaarka guriga hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho

iftineducation.com – Goor dhow oo maqribnimadii ah ayaa ilaa dhowr Qarax waxay ka dhaceen
agagaarka guriga hooyooyinka oo ku yaala meel ku dhow xarunta
madaxtooyada Viila Somalia ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyaadn oo ahaa kuwo aad u waaweyn ayaa la sheegay iney ka dhaceen
Jardiino ku dhinac taala guriga hooyooyinka oo dhowaan aheyd baar laga
qaxweeyo oo ay fariistaan dad u badan weriyayeal, siyaasiyiin,
xildhibaano iyo qaar ka mid ah shaqaalagaa madaxatooyada.

Warar hordhac ah oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaraxyadaas ay
sababeen khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray
dadkii kub sugnaa jardiinadaas kaasoo aanla ogeyn tiradiisa, waxaana
goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Somalia.

Lama oga illaa hadda waxa ay ka dhasheen qaraxyadaa goobtaas ka dhacay
hase ahaatee waxaa la sheegay ihey ahaayeen ismiidaamin ayna goobtaas
isku qarxiyeen labo nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan daqiiqadaha soo socda.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com