Uncategorized

Telefishinada Caalamka oo si Live ah u tabinaya Dagaalka Kismaayo & ciidamada Huwanta oo… (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Ciidamada Kenya Kismaayo
iftineducation.com – Warbaahinta Caalamka kuwooda ugu caansan ayaa afka ka qaadi waayay
dagaalka kulul ee ka socda magaalada Kismaayo kaas oo u dhaxeeya
maleeshiyaadka Al Shaabab oo magaaladaas ku gacan adeegay iyo Ciidamada
is garbinaya ee Dawlada iyo kuwo Kenya.


Dagaalka ayaa is badalay markii Al Shabaab laga soo galay dhanka Xeebta
iyo Bada waxaana muuqaalka Dagaalka lagu arkayay Diyaarado Helikoptaro
ah oo kor ka duqeenayay Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwoodii laga soo
saaray furinta hore ee dagaalka. Waa magaaladii ugu weeyneed uguna
muhiimsaneed ee ka bixi rabta gacanta xarakada Al Shabaab waxaana
go´doon geli doona Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwooda ku sugan
magaalooyinka Baraawe iyo Jilib.

Mudo 2 sano ka hor ah inta badan
magaalada Muqdisho iyo Koonfurta dalka Somalia waxaa maamulayay
Xarakada Al Shabaab balse mar qura ayay Maleeshiyaadka Al Shabaab Tusbax
go´ay noqdeen ka dib markii Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay
dhabarka u jeediyeen.

Dadka saadaaliyo Siyaasada dalka
Soomaaliya ayaa waxa ay qabaan in dhawaan jawiga Somalia uu isku badali
doono mid ay ka jirto hal awood taas oo ah Dawlada Somaliiyeed oo ay
garbinayaan dalalka isku baheeystay AMISOM . 

 

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com