Uncategorized

Taariikhda Faneed Ee Cabdi shire Jaamac Jooqle.

Cabdi Shire Jaamac
iftineducation.com – Fanaanka magaciisu waa Cabdi Shire Jaamac { Jooqle } wuxuu ku dhashay Gobalka Hiiraan gaarahaan Magaalada Beledweyne sanadku markuu ahaa 1960-kii, Jooqle kadib waxa uu u soo wareegay Caasimada Soomaalia ee Muqdisha isagoo halkaas kabilaabay waxbarashadii aas aasiga eheed, Cabdi Shire wuxuu Fanka ku soo biiray 1971-kii, wuxuuna ka tirsanaa ubixii kacaanka.

Jooqle Shire wuxuu ka qeeyb qaatay Riwaayado kala duwan asigoo da,diisu tahay 13-jir nasiib wanaag waxa uu tartan u galay Barnaamishkii la,oran jiray Heesisii hirgelinta ee lagu soo bandhigi giray Tiyaatarkii qaranka, waxa uuna kagalay Jooqle kaalinta koowaad Heestii uu ku qaaday tartanka erayadeeda waxaa kamid ahaa [yaa ku soo dhawaadoo dhaqsa ugu yimaadoo dhunkadoo laseexda] rawaayadii ugu caansaneed oo Jooqle ka qeybtaato waxaa lagu magacaabaa “Murugo iyo Macaan” waxaana atariishad ka eheed Hiba Nuura halka Jooqle aktar ka ahaa waxaana lasoo bandhigay sanadkii 1974-kii.

Heehasa uu ku luqeeyo al Fanaan Cabdi Shire Jaamac Jooqle waxa ay iskugu jiraan Jaceyl wadani iyo weliba kuwa ku saabsan Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,waxaana ugu caansan Heesihiisa [ Arabsiyo, Sabaax Barashada wacan,Muna,Luuley, Qeylodhaan, Kawaankii dadka, waxaad heysataan dira, iyo kuwa kale oon halkaan lagu soo koobi karin.

Fanaankaan ayaa Hogaamiya Koox caan baxday oo lagu magacaabo {Reer Cayaar Jecel}, waana koox xil gaara iska saartay wacyi gelinta Umada Soomaaliyeed, waxaa kale uu caan ku yahay Fanaankaan marka laga soo tago heesaha, dhanka laxan sameynta asigoo mararka qaarna ku tuurtaa eray curinta,waxaana uu tumaa dhanka Musigga Kabanka.



Isku soo wada duube Cabdi Shire Jooqle ayaa sheegay in uu Fanka ku helay qaab dhaxal tooyo ah maa daama Aabihiis ahaa Nin ku caan ah Cayaaro dhaqameedka Soomaalid, waxaa kale oo jira laba wiil oo ladhalatay Jooqle oo qudhoodu midna heeso midna Abwaan yahay, waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin Qooys Fan kasameysan, kana heesa hadba xaaladu markaas halka ay taagantahay waana Kooxda ugu Heesa soo saarida badan kooxaha Soomaaliyed waayahaan dambe.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com