Uncategorized

Shacabka Soomaaliyeed & Dawlada Norway oo Si Cajiib ah ula sheekeeysanaya Madaxweeynaha Somalia (Daawo Muuqaal ahaan+Warbixin)

iftineducation.com – Wasiirka Horumarinta dalka Norway Mr.Heikki Holmås ayaa waxa uu
madaxwaynaha dalka Somalia Prof Xasan Sheekh Maxamuud waydiiyay suaalo
ay ka mid ahaayeen qaabka Norway u caawin karto dalka Somalia.
 


Madaxwaynaha oo Suaalahas ka jawaabaya ayaa yiri sidatan : “Norway
waxaan ka rabnaa inay taageerto isbedelka cusub ee ku yimid Somalia”
Wasiirka Horumarinta Norway oo la kaftamaya madaxwaynaha ayaa yiri:
“Waxaan ognahay in hada adiga iyo Jawaari aad saaxiibo tihiin, waxaana
idinku casumeeynaa dalka Norway mar Alle iyo markii aad doontaan.”

Ugu
dambayntii wasiirka ayaa isaga oo la kaftamaya madaxwaynaha dalka
Somalia waxa uu waydiiyay sida ay hawada Soomaaliya tahay xiligaan la
joogo?. Madaxwaynaha ayaa ugu damabyntii waxa uu Soomaalida Norway ugu
mahad celiyay sida ay u soo agaasimeen kulankan qiimaha badan oo
Soomaalida Norway aysan u kala harin.

Madaxweeynaha cusub ee
dalka Somalia mudane Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ula yaabay
qaabka Shacabka Soomaaliyeed ee reer Norway ay ugu soo xireen Wasiirada
Dawlada Norway wuxuuna carabka ku dhuftay in Soomaalida oo idil looga
baahan yahay sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda Hooyo waliba u soo
ceshan lahaayeen Nabadii iyo xasiloonidii ka dhuntay. 

Daawo:

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com