Uncategorized

Riyadii Tobanka Milyan ee Dollar Oo Xabsi Kusoo Dhamaatay kadib sanado badan oo Baadi Goob lagu jiray

iftineducation.com – Maxkamada Sare ee wadanka New Zealand ayaa Muwaadin u dhashay wadankaasi waxaan ku xukuntay 4 sano iyo 7 bilood oo xarig ah kadib markii uu wadanka isaga cararay asagoo wata lacag dhan $10 Million oo si qaldan ugu soo dhacday Akoonkiisa.

Talefashinka wadankaasi New Zealand ayaa sheegay in maxkamada Magaalada Raptorial ay xukuntay Howe Leo Goa oo 31 Jir 7 sano iyo 4 bilood oo xarig ah iyo Gacalisadiisii hore Cara Haring oo 33 jir oo maxkamadu ku xukunta 9 Bilood oo xabsi guri ah maadaama ay lug ku laheed dambiga uu uu Gacaliyaheedii hore galay.

Goa iyo Haring ayaa 2 Sano la la’aa ayagoo ku dhuumanayay Cadaalada iyo in maxkamad lasoo tago tan Bishii April 2009 ay wadanka isaga carareen ayagoo wata lacag $10 Million “Toban Milyan oo Doolar” oo si qaldan ugu soo dhacday Akoonka Goa.

Goa oo markii maxkamada lasoo taagay ka hadlay ayaa yiri “ Waxaa Jeclaan lahaa in fursad kale la isiiyo” asagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay “ Hadii aan awoodo inaan waqtiga dib u celiyo, waxaan bixin lahaa lacagtaa” asagoo cadeeyay in aysan soo noqon doonin wixii uu horay u sameeyay.

Ninkaan ayaa sanadkii 2009 waxuu Bankiga dhexe ee wadankaasi ka codsaday inuu siiyo lacageeda oo gaareysa $100,000 “Boqol Kun oo Doolar” si uu xal ugu helo dhibaato ka heysatay kaalin shidaal uu lahaa, laakiin mid ka mida shaqaalada Bankiga ayaa Si Qaldan akoonkiisa ugu lacag $10 Million “Toban Milyan oo Doolar”






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com