Uncategorized

Ninkaada Maseeroow Ma Yahay? Xal Fudud Oo Aad Kaga Taqaluseyso Ayaa Lagu Hayaa .

Maseer
iftineducation.com – Maseerku(Hinaasaha) waa seef laba afle ah , inta badan haweenka waxa ay jecel yihiin hinaasaaha ragooda ay u qaadaan haweenkooda waxa ayna u arkaan calaamad muujineysa jaceylka ay u qabaan , waxa ayna sarau qaadaa kalsoonida naftood ay u qaadaan .

Hinaasahaan oo ah nooca loo baahan yahay ayaa mararka qaar xadkiisa ka baxaya isuna rogaya shaki ugu dambeyntii waxa uu gaaraya xilli aan la xakameyn karin , hadaba ninkaada hadii uu maseerloow yahay sidee ula dhaqmeysa ?.

Ka hor inta aadan xalka helin waxaa muhiim ah in aad ogaato in hinaasuhu dhowr arin sabab u yihiin dhanka ragga sida Jaceyl , in uu doonayo in xaaska qabsado(laheysto ka dhigto) in uusan isku kalsooneen iyo in uu ka baqayo in si uun uu ku waayo xaaskiisa , hadaba tubtaan raac.

1-Waligaa wax haka qarin , hana isku dayin in heerkulka maseerkiisa aad kiciso, kana yeelo mid ku kalsoon dhaq-dhaqaaq waliba iyo hadal waliba oo kaa yimaada .

2- Hab baacsigiisa iyo kor meerka uu ku hayo wax yaabaha ku gaarka ah ula dhaqan si in aadan dhag jalaq u siineyn oo kale .

3- Ha iska indho tirin wicitaanadiisa , iskuna day mar waliba in si degan aad ula hadasho oo uu jaceyl ku dheehan yahay , hana u muujin muuqaalo ah in aad dhibsaneyso maxaa yeelay tani waxa y sii hurineysa liifada maseerka ah ee ku shidan qalbigiisa .

4- U ogalaaw in uu ahaado mid og dhaq dhaqaaqyadaada iyo booqashooyinkaada nooc waliba oo ay ahaadaan, maxaa yeelay tani kalsooni ayay sii siineysa .

5- Waa muhiim in aad barto asxaabtaada si qalbi nagaasho uu u dareemo , waxa ayna tani yareyneysaa heerkulaka maseerkiisa.

6- Kala hadal arinta hinaasaha ee haysa , una sheeg in tani aadan jecleyn , aadna dooneyso in uu kuugu kalsoonaado adiga oo markaasi wadahadal degan iyo jawi degan ugu sheegaya .

7-Ka Fogaaw wax waliba oo keeni kara dhibsasho xiliga aad wada sheegeysaneysaan , isla markaana isku day in aad ogaato wax yaabaha maseerka ku dhaliyay ee xagaada ka imaanaya , tusaale qosolka dheer marka asxaabtada la joogto ama in meel fog aad la tagto telkaada adiga oo sheeko ham ham dhoola cadeynna ay ku jirto sameynaya .

Aqriste waa muhiim fikirkaada ku aadan mowduucaan , iftineducation.com hoyga arimaha qoyska Somaliyed ka dhigo saaxibkaada koowaad.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com