Uncategorized

Nin Beeraley Ah Oo Laacibiin u dhalatay Dalkiisav siiyay abaal marin aan nuuceeda horey loo arag(Sawiro)

iftineducation.com – Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Dunida ayaa ku waramay in Nin u dhashay dalka Koonfurta afrika uu abaal marin nooceedu layaab ku noqday dad badan, sheegay inuu ku maamuusayo ciyaar yahanadii dalkiisa uga qayb galay tartamadii Olympic-ga ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Britain, gaar ahaan kuwii biladaha kala duwan u soo hooyay dalkooda hooyo.

Ninkan Beeralayda ah oo lagu magacaabo, Jean Scanel Joauzh, waxa uu jariirada Bild oo ah jariirad maxaliya u sheegay, in laacibiinta biladaha dahabka ah u soo hooyay dalkooda ay heli doonaan min laba neef oo lo? ah, kuwaas oo kala noqon doona Sac iyo Dibi sida uu sheegay, halka kuwo bilada Qalinka ah ku guulaystayna ay abaal marintiisa ka heli doonaan, hal neef oo dibi ah, ciyaar yahanada bilada Maarta ah ku guulaystay ayaa mid walba uu siin doona qayb ka mid ah, neef la qalay ama sida uu sheegay waxa labadii laaciba loo kala qaybin doonaa tuluda neef la qalay.

Sida ninkaas beeralayda ahi sheegay ciyaar yahanada, Sizwe Ndlovu iyo Matthew Brittain min laba neef ah ka heli doona abaal marinta ninkani ku maamuusayo, halyeeyadii dalkiisa u matalayay ciyaarihii Olympic-ga 2012-ka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada London.

Talaabada uu qaaday ninkani ayuu sheegay inuu uga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa maqaamka ciyaar yahanada, isla markaana loogu maamuusi lahaa dedaalkii ay u galeen dalkooda sidaa awgeedna uu isagu jeclaystay in wixii uu heli karayay uu ku maamuuso ciyaar yahanadii dalkiisa uga qayb galay ciyaarihii Olympic-ga.

Ciyaar yahanada qaarkood oo la waydiiyay sida ay u arkaan abaal marintan xoolaha nool ah, ayaa aad u soo dhaweeyay, kuna tilmaamay mid qiimaheedu sareeyo, muwaadinkaasna ay si qoto dheer uga gudoomayaan, mid ka mid ah ciyaar yahanada labada neef helay ayaa sheegay inuu aad ugu farxay oo caanaha arooskiisa ay ka fududayn doonaan, isaga oo sheegay inuu yahay aroos cusub aadna ugu baahnaa caano xoolaad oo saafi ah, sidaa awgeed sac iyo dibiga la siiyay dhawaan mid kale ama neef yar u soo kordhin doonaan.

Inta badan warbaahinta dalka Koonfur afrika ayaa si wayn u buun buunisay warka ninkan kuna tilmaantay talaabo ku dayasho leh, waxaanay warbaahinta qaar ka mid ahi canaanteen ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn ee dalkaas oo maalin kasta malaayiin dollar macaasha, hasa yeeshee muwaadinkaas, xoolo dhaqatada ahi ka deeqsisan yahay.

Dhinaca kale ciyaar yahanadii la siiyay hilibka ayaa iyaguna ugu deeqay xarumaha carruurta darbi jiifka ah lagu xanaaneeyo iyo cusbitaalada dadka dhimirka ka bukaa ku jiraan, kuwaas oo si wayn iyaguna ugu mahad naqay muwaadinkan hayntiisa ugu deeqay kuna maamuusay.

Ninkan ayaa la sheegay in abaal marintaasi ugu kacday lacag dhan todoba kun iyo shan boqol oo Yuuro, hasa yeeshee waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu caawiyo ama maamuuso ciyaar yahanadii dalkiisa uga qayb galay tartamadii Olympic-ga dunida.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com