Uncategorized

Musharaxiintii Madaxweyne Qaarkood iyo Xildhibaano lacag badan la qaatay oo Qoorta iskula jira iyo arintooda oo mareysa

iftineducation.com – Shabakada Allbanaadir.com ayaa soo ogaatay Qilaaf xoogan oo ka dhax
aloosan Qaar kamid ah Musharixiintii u taagnaa Jagada Madxaweynaha
Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ee Codadka Dhiibanayay .



Murankan ayaa yimid kadib markii Xildhibaano badan ay dhoor Musharax ka
qaateen lacago badan iyagoona Musharax kasta u sheegayay in ay codka
siin doonaan taa oo markii dambe uga baxeen shaqsi kalana codadkoodii
inta badan siiyeen.



Musharaxiinta ayaana caro xoogan ka muujiyay in ay waayaan Codadka
xildhibaanadii lacagta ka qaatay oo u tirsanaa taa oo markii dambe muran
iyo dacwo gaartay markii doorashada dhamaatay ilaa walina ay tahay mid
taagan.



Fashilka ugu badan ayaa ku dhacay Xildhibaano badan kadib markii
Musharixiin ay ka qaateen lacago kuwaa oo xitaa Helin hal cod , halka
kuwa kalana heleen codad tiro yar oon u dhaweyn tiradii ay ku
tashanayeen ta aoo ceyb iyo fashil ku keentay dhoor Xildhibaan.



Xildhibaanada ayaa dhankooda Musharixiinta dawcada ah kula doodaya in
ay codkooda siiyeen kuna adkeesanaya arintaasi taa oo keentay in Qaar
kamid ah Musharixiintii ka codsadaan Xildhibaanada qiyaamay in Kitaab
gacanta saaraan kuna dhaartaan in ay Codkooda siiyeen dhaartaasna ay ku
qanci doonaan.



Arinta Dhaarta ah waxaa kasoo horjeestay xildhibaano badan oo
qiyaaneeyay Musharixiin dhoor ah lacagana ka qaatay waxa ayna ku
doodayaan in aysan Diyara u aheyn in Kitaab gacanta saaraan balse ay
Codkooda siiyeen musharaxa ay is heestaan taa oo wali la isku mari
la’yahay.



Musharixiintii bfashilmay ayana ka codsanaya xildhibaanada lacagta ka
qaatay in ay dib ugu soo celiyaan lacagtooda maadaama ay halkaasi ku
waayeen lacag iyo codadkiiba taa oo wali ah mid taagan aan xal rasmi ah
laga gaarin.



Arintan ayaana muujineysa in Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ay
aheed mid Musuq badan uu ka jiray Xildhibaanadana codadka dhiibnayaya
ayna ahayaeen kuwa Inta badan laaluush ku shaqeenayay oo codkooda gatay.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com