Uncategorized

Maxaad kala Socotaa Hadal Heynta ugu badan ee maalmahan kajirta Magaalada Muqdisho (Warbixin Xasaasi ah)

Mogadishu
iftineducation.com – Waxaa Maalmahan Magaalada Muqdisho ka jiray isbadal dadku aad ugu
faraxsanaayeen niyadana ku dhisanayeen maadama Magaalada ay hirgalisay
shirar badan ay kamid ahaayeen Doorashooyinkii Madxaweyne iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka ,inkastoo taa badalkeeda ay dhaceen Muuqaalo
aragagax iyo cabsi badan dadka ku beeray walina ay hadal hayaan.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho aya aaad u hadal haya isbadalka
dhanka amaan xumida ah ee maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay
Magaalada Muqdisho ,Waxaana maalmihii ugu dambeeyay magaalada ka dhacay
Qaraxyo iyo Dilal qorsheesan.

Dadka ayaa aad u hadal haya dhacdadii foosha xumeed ee labo maalin kahor
lagu laayay dad rayid u badnaa ayna ku jireen Wariyaal aad loo yaqaanay
loona jeclaa kuwaa oo Naftooda ku waayay Weerar ismiidaamin ah oo ka
dhacay Maqaayad ku taala Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne.

Goobaha lagu qaxweeyo iyo goobaha kale ay dadku iskugu yimaadaan ayaa
aad looga hadal hayaa amaan xumida magaalada kusoo korortay maalmihii
ugu dambeeyay gaar ahaan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dhacay Habeen
hore iyo sidoo kale Dil wariye shalay loogu geestay Degmada Yaqshiid.

Dadka ayaan eeda falalka amaan xumo ee Magaalada kajirta eedeeda dusha
kasaaray dhinacyo kala duwan kuwaa ay muujinayaan in ay qeyb ka yihiin
amaan xumida magaalada ka bilaabatay tan iyo markii la Doortay
Madaxweynaha Cusub oo magaalada ka dhaceen Qaraxyo Ismiidaamin ah iyo
Dilal Qorsheesan oo tiro badan.

Waxaa hada aad u yaraaday dadka taga goobaha la isugu yimaado sida
Maqaayadaha waa weyn iyo goobaha lagu fadhi ku diriro iyadoo laga caqbi
qabo in halkaasi ka dhacaan Weeraro Ismiidaamin ah maadama markaan kuwa
Wax qarxiya Shacaba iyo Dowlada isku mid ka dhigteen.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaana aaminsan hadii si deg deg ah loo soo
dhiso Xukuumad tayeesan in laga yaabo in amanaka sii xumanaya ay Dowlada
gacanta ku qabato ,inkastoo Hya’adaha Amaanka sheegeen in gacan bir ah
ku qaban Doonaan amanaka Magalaada ee Faraha kasii baxaya.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com