Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Qaabilay Taliyaha Guud Ee Ciidammada Dowladda Britain(Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dowlada
Ingiriiska Sir Peter Wall iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
Matt Bough.

Madaxweynaha ayaa si dheer u falanqeeyay qorshe howleedkiisa ku saabsan
dhisidda iyo kor u qaadista tayada ciidamada qalabka sida iyo dowrka ay
ku yeelan karto dowlada Ingiriiska. 

“Waxaan rabnaa in aan bedelno dhaqanka iyo habka tababarka ciidanka,
waxaan dooneynaa in aan abuurno ciidan qaran oo tayo leh. Sidaa darteed
waxaan u baahanahay in aan helno taageero toos ah oo loo fidiyo
hay’adaha dowlada”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad siineyso
tayeynta hay’adaha dowliga ah, iyadoo lala kaashanayo dadka iyo
dowladaha khibradda u leh arrintan, isagoo dowlada Ingiriiska ka
codsaday in ay gacan ka gaystaan qorshahaan. “waxaan diiradda saareynaa
in dad xifrad yahano ama khuburo ah ay la howl galaan ama caawiyaan
shaqaalaha dowladda, si loo dhiso awoodda hay’adaha dowladeed”. ayuu
yiri. 

Taliyaha Guud ee ciidamada Ingiriiska Sir Peter Wall ayaa faahfaahiyay
sida ay uga go’antahay ra’iisul wasaare David Cameron iyo dowladdiisa in
ay wada shaqeyn buuxda dhexmarto dowlada Soomaaliya iyo Britain,
Wuxuuna tilmaamay in dhinacyada ay Soomaliya ka caawinayaan ay ka mid
tahay dhisidda ciidamada. 

Ugu dambayntii safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Bough ayaa u
sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay
taageero dhan walba ah ay siiso dowlada Soomaaliya.



____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com