Uncategorized

Macnaha buuxa Ee Ereyga Calaf (Jaceyl+Calaf= Guur), Qalinka Xaaji Tahriib

iftineducation.com – Calafka iyo Jaceylka ayaa Ah Wax Sida Silsiladda isugu Xiran oo aan Sinaba aan u kala Harin, Balse Jaran Jarada koowaad ee Lasoo Kora ayaa ah Jaceyl Jaceylkana waxa uu Kuusii Dhiibaya Calaf, Taasoo aan Dhihi Karno ( JACEYL+CALAF=GUUR).

Waxaan Jira Oraahyo Soomliya oo Dhahaya Waxaan Calaf Lagu Laheyn Caloosha Lama Dhigo, ama Waxaadan calaf Ku Laheyn Calaacashaada Ma Saartid, Maah Maahmaahyadan ayaa waxa ay ka tarjumayaan in Qofka Wax aan ilaahi Na uumay uusan u Qorin Inuusan Haleyn.

Hayeeshee Dadbaa Waxii ay Gaari Waayaan u Raadiya qaab waali ah oo aan sikastoo ay ahaataba aan lagaari karin Ilaa Qadarta eebe ayaanba Suuragalinine, (Ama Waxaan Dhihi Karnaa Waqtigooda ayaa Dhimanba).

Tusaale aan Soo Qaadana Hadii Guri aad Marti Ka Tahay Koobkii Shaaha ee Laguu Soo Shubay uu Kaa Daato, Shaahas Daatay Ma Calafkiisii ayaa soo Dhamaaday Mise Murana Kale oon Loo Baahneyna ayaad Meesha Keeni Laheyd, Jawaabtu Waa Cadahay Shaahaas Calafkiisa ayaa intaa ku ekee oo Ma Qoreyn In Lacabaa.

Hadaba Qofka Jaceyl Doonka ah Ha Ogaada in Calaf uu Jira, Loogana Baahan Yahay Dadaal Dheeri ah, Sababatoo ah Soomalida waxa ay Tiraahdaa waxaan loo dhididin lama Dheefsado.

Dardaaran:- Haka War wareegin Haduu Daadka Ku qaado Inaad samirka Kaashataa, Waxaadna Maskaxdaada Ka Dhaadhicisaa mar ay Ahaataba Inaad Xariga Guusha aad Gacanta Ku dhigi Doontid Adiga oo Aakhir Tagaya Wadadan ah (Jaceyl+Calaf= Guur),.

W.D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (xaaji Tahriib)
xaajitahriib@hotmail.com
Mob:- +27784293322
Johanesburg South Africa






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com