Uncategorized

Maalqabeeno Ingiriis ah Oo Boqolaal Baabuurta oo Lagu Raaxaysto Kaga Cararay Magaalada Dubai(Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Boqolaal baabuurta lagu raaxaysto ee qiimahoodu qaaliga yahay, ayaa lagaga cararay imaarada Dubai, kuwaas oo badankooda ay lahaayeen, milyaneero u dhashay dalka Britain sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo todobaadkan ka diyaarisay warbixin la xidhiidha qaxootiga ganacsatada iyo dilaaliinta Ingiriiska.

Jariirada ayaa warbixintan ay ka diyaarisay ku soo gudbisay sawirada noocyo kala duwan, oo gaadiidka raaxada loogu tala galay ah, kuwaas oo dadkii lahaa ka carareen, kaga tageen meelo aan waxba ka fogayn madaarka caalamiga ah ee magaalada Dubai, gaadiidkan waxa ku jira, kuwo ilaa wali mafaatiixdii ama Furayaashii ku taagan tahay oo aad dareemi karto in looga dhaqaaqay si aan ku tala gal ahayn.

Jariirada ayaa sababta looga cararay ee qaxootiga maalqabeenada kaliftay ku tilmaantay, cabsi ay ka qabaan in lagu qaado sharciga Daynta iyo musalafka ee dalka Imaaraatka carabtu dhawaan soo rogay, kaas oo suura gal ay tahay in ilaa xabsi dheer ay ku mutaan cid kasta oo lagu helo daymo iyo dhaqaale burburin.

Falkan layaabka leh ee ay ku kaceen ganacsatada iyo maal qabeenada reer Britain ayaa laga daalacan karaa, heerka iyo baaxada burburka dhaqaale, ee dunida ku habsaday iyo dhaqaale burburka dhacay leeg tahay, waxa tani cadayn buuxda ay u tahay sida macaash doonkii iyo afwaynaantii tujaartu isugu badashay, baxsi iyo dhuumasho.

Wargeyska Daily Mail ayaa gaadiidkan ay tujaartu ka carareen ku tilmaantay astaan wakhtigan u taagan, in laga daalacdo dhibaatada soo gaadhay inta ay leeg tahay, taas oo ay awood u waayeen xitaa in ay xaraashaan gaadiidkooda, iyaga oo ka cararaya in aan gacanta lagu dhigin oo lagu qaadin shuruucda ad adag ee imaaraada Dubai soo saartay.

Gaadiidka ayaan waxa ka mid ah, kuwa ugu qaalisan dunida sida Mercedes, Audi iyo Jaguar, hasa yeeshee xaalada ugu layaabka badnayd ee booliska Dubai xitaa ka yaabisay ayaa ahayd sida jariirada ?The Sun? ku warantay noocyo gaadiidkaas ka mid ah in ay ku jiraan, baabuurta Ferrari Enso loo yaqaano, oo qiimahahooda lacageed ee la kala siistaa gaadhsiisan tahay, 1-million pounds sterling.

Gaadiidkan ay ganacsatada reer Britain ka baxsadeen ee yaala magaalada Dubai oo tiradooda lagu qiyaasay sadex boqol iyo sagaal iyo sagaashan gaadhi, waxa ka mid ah kuwo lacagtoodu malaayiin dollar lagu qiyaasay oo qaar ka mid ah iibkoodu ka bilaabmay dalka Ingiriiska sida warbaahinta dalkaasi ku warantay.

Warbixintan ayaa lagu soo gaba gabeeyay in ay jiraan ilaa laba kun iyo shan boqol oo qof, oo ah ganacsato ajaanib ah oo tan iyo intii sanadkii hore sharcigaas la soo saaray, ku halanaa isku dayo ay dalka kaga baxsanayaan iyaga oo aan iska bixin lacagihii daymaha ahaa ee lagu lahaa, hasa yeeshee waxa ay wargeysyada dalka Ingiriisku sheegeen in xitaa haddii ay u baxsadaan Britain iyo meelo kale ay u yaalaan, samano loo jaray, oo suura gal ka dhigaya in booliska caalamiga ah ee dunida (Interpol) soo qabtaan.



·
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com