Uncategorized

K’naan oo saaraya buug sheeko caruureed

K’Naan Warsame
iftineducation.com – fanaanka Soomaaliyeed ee Canada ka haysta dhalashada waa K’naan Warsame ayaa waxuu saarayaa dhawan buug sheeko caruureed ah oo uu magac uga dhigay When I get Older, buugaasoo uu Keynaan kaga sheekeynayo taariikhdii yaraantiisii waxaana uu Buuggani yahay mid ay aqrisan karaan ama loogu talo galay caruurta  u dhaxeysa da’da 7 jirka ilaa 10 jirka.

Qisada ka dambeysa buuga ayaa ah taariikhda dhabta ah ee heestii Waving flag isagoo K’naan buugani kaga sheekeeynaya dhibaatadii dagaalka iyo waayahiisii caruurnimo ee Soomaaliya xiliguu joogay.

Sawir gacmeedyada buugani waxaa qeyb ka qaadan doona farshaxanka Rudy Gutierrez   waxaana shirkada buuga maalgashatay lagu magacaabaa Tunrda books.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com