Uncategorized

in kabadan 300-oo Askari oo katirsan Al-Shabaab iyo Hogaamiyaal oo isku soo dhiibay Maanta Ciidamada Dowlada

iftineducation.com – Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa qaar kamid ah
Warbaahinta Magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in Maanta
Dagaalyahano katirsan Shabaab oo tiro badan iyo Sargaalkii Hogaaminayay
ay isku soo dhiibeen Dhinaca Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee
kusugan Gobolka Sh/Dhaxe.

Dagaalyahanadan Shabaab ee isku soo dhiibeen Dhinaca Ciidanka Dowlada
ayaa tiradooda lagu sheegay in kabadan 300- Askari kuwaa oo watay
Gaadiid dagaal iyo Hub kale oo badan waxaana Hogaaminayay Sargaal la
sheegay in uu ahaa Madaxii amniga ee Gobolka Sh/Dhaxe magaciisana lagu
soo koobay Sheegow.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee kusugan Shabeelaha Dhaxe ayaa
Warbaahinta Dowlada usoo bandhigay Dagaalyahanadan Shabaab kasoo goostay
iyo Hubkooda iyagoona sheegay in fursad la siiyay Ragan sidoo kale ay
jirtay Wadaxaajood hoose oo ugu dambeyn keentay in ay soo goostaan
askartan Shabaab katirsanaa.

Sargaal katirsan Ciidamada Dowlada ee kusugan Sh/ Dhaxe ayaa
Warbaahinta waxa uu sheegay ujeedka ay Saakay u dhaqaaqeen Ciidamada
Huwanta in ay aheed in ay soo wadaan Ragaasi Shabaab kasoo goostay oo
kusugnaa Deegaan lagu magacaabo Garsaale hadana laga soo kaxeeyay lana
geeyay Magaalada Balcad sida uu sheegay Sargaalkaasi katirsan Ciidamada
Xooga Soomaaliyeed.

Ciidamadan isku soo dhiibay Dhanka Dowlada iyo AMISOM ayaa kamid ahaa
Ciidamada Shabaab ee Magaalada Jowhar ,mana jiraan wali War Shabaab
kasoo baxay Saraakiisha Shabaab oo ku aadan Ciidamadan kasoo goostay


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com