Uncategorized

Magacyada 25-ka Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee buuxiyay shuruudaha

iftineducation.com – Gudiga qaban qaabada doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaba gabeeyay araaji qabashada musharaxiinta, kuwaasoo soo buuxiyay shuruudaha looga baahnaa ee musharaxnimo.

Ilaa 25-Musharax oo buuxiyay shuruudaha looga baahnaa ayaa Gudiga ku dhawaaqay magacyada musharaxiinta sida rasmiga u buuxiyay shuruudaha, kuwaasoo u taagan xilka Madaxtinimada Soomaalida.

Araaji qabashada ayaa ku ekeyd maanta 5-ta Galabnimo, waxaana maanta soo gudbiyay shuruudaha inta badan musharaxiinta.

Inkastoo ay haatan socoto shir jaraa’id oo Gudiga doorashada uu uga dhawaaqayo magacyada musharaxiinta ayaa iftineducation.com ay heshay magacyda 25-ka musharax ee buuxiyay shuruudaha looga baahnaa, oo kala ah soo jeedinta 20-Xildhibaan, taariikh nololeedkooda iyo 10-kun doolarka Mareykanka oo ay ku rideen Bankiga Dhexe.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in musharaxiinta ay Baarlamaanka hor-imaan doonaan, kuwaasoo khudbado ka jeedin doona, waxaana maalinta berri hortagi doona Baarlamaanka ilaa 10-musharax, halka maalinta xigta ay hortagi doonaan 10-kale, iyo maalinta saddexaad oo shan musharax ay baarlamaanka ka jeedinayaan Khudbadahooda.

Hadaba magacyada Musharaxiinta soo buuxiyay araajida ee uu si rasmi ugu dhawaaqay Gudiga inay ka qeyb galayaan Tartanka doorashada ayaa waxay kala yihiin magacyadooda sidan:-

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow
2-C/waaxid Cilmi Goonjeex
3-C/llaahi Axmed Caddow
4-C/wali Maxamed Cali Gaas
5-Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
6-Axmed Ismaaciil Samatar
7-Xasan Sheekh Maxamuud
8-Shariif Sheekh Axmed
9-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
10-Cumar Salaad Cilmi
11-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
12-Bashiir Nuur Xasan Bidaar
13-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
14C/qaadir Cosoble Cali
15-C/raxmaan C/shakuur Warsame
16-Xuseen Khaliif Jaamac
17-Maxamed Axmed Saalax
18-Salaad Cali Jeelle
19-Ibraahim Cali Xuseen
20-Saciid Ciise Maxamuud
21-Cismaan Maxamed Gacal
22-Maxamed C/llaahi Oomaar
23-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
24-Maslax Maxamed Siyaad Barre
25-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa dhici doonta 10-ka bisha September oo ku beegan maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana musharaxiintan faraha badan ay tartan iyo loolan u geli doonaan Madaxtinimada Soomaaliya






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com